Murashaxa Madaxwayne kuxigeenka Ee Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Gobolka Awdal.“Ficiladda Lagu Laynayo Caruurta, Xadhigga Odayaasha Waxay Qeyb Ka Yihiin Kicinta Bulshadda” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxa Madaxwayne kuxigeenka Ee Xisbiga Ucid Oo Si Adag Uga Hadlay Xaalada Gobolka Awdal.“Ficiladda Lagu Laynayo Caruurta, Xadhigga Odayaasha Waxay Qeyb Ka Yihiin Kicinta Bulshadda”
October 12, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)-Xaaladda dalka lagu maamulay shan sano iyo cudurka qabyaaladeed ee ay abuurtay ma suurto galinayso caafimaad dhalanteed ah iyo ciyaaro hufan.

Ficilada lagu laynayo caruurta, xadhigga odayaasha, ganacsatada iwm waxay qayb ka yihin kicinta bulshada

Mashaqada ka socota Borama iyo sida ay xukuumaddu u maamulaysaana waxay u eg yihiin mashariicdii lagu burburinayey qaranimada SL.

Waxa hore la inoogu caawiyey qalabkii police ka ee laga hortagayey rabshadaha, lama isticmaalo, mana ogin in dalka dib loga saaray oo la cash gareeyey iyo inkale mana garanayno waxa loo isticmaali waayey ee xabad nool caruurta loola dhacayo.

Taliye Fadal intii uu talada policeka hayey waxa ay police ku dileen ubad tiro badan, waxaa lagama maarn ah dilalkii dhacay ay baarlamaanku wax ka waydiiyaan isla markaana la horgeeyo maxkamad oo sharciga la mariyo masuuliyaddi dilalakaa.

Masuuliyad darrada hoggaanka police ka iyo wasaaradda gudaha iyo aamusnaanta kusimaha Madaxwaynahu ba waxay halis ku tahay wadajirka shacabka.

Walow aanan Gud Sulaymaan ku ogayn nabad talisnimo haddana waxaan golaha guurtida ee uu guddoomiyaha u yahay u soo jeedinayaa in falalka dhacaya laga gurmado.

Dhalinyarada iyo shacabka awdal guud ahaan waxaan kula dardaarmi lahaa in ay isdejiyaan, caqligu ha shaqeeyo ee yaan caadifaddu shaqayn. Reero isma haysataan ee dawlad aad Madaxwayne ku xigeen keeda leedihiin xilliga falalkani dhacayaana ah hoggaanka dalka ama kusimaha madaxwaynaha ayaa leh masuuliyadda koowaad ee qaabka loo maamulay mashaqada boorama.

Xukuumadda waxan leeyahay cagta haloo dhigo amniga dalkana hala dhowro. Odayada xidhanna hala siidaayo, dhagar qabayaashii dilalka gaystayna hadii ay tahay tii lagu dilay askarta iyo haddii ay tahay askartii caruurta laysayba degdeg loo hor keeno sharciga.

 

CABDIRASHIID XASAN MATAN

 

COMMENTS
LINKS