Mid Ka Mid Ah Qaxootiga Yemeniyiinta Ah Ee Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Maanta Isku Hor Gubey Xafiiska Haayada UNHCR Ee Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid Ka Mid Ah Qaxootiga Yemeniyiinta Ah Ee Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Oo Maanta Isku Hor Gubey Xafiiska Haayada UNHCR Ee Magaalada Hargaysa.
October 5, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Midkamida Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee kasoo Cararay Dagaalada Qadhaadh ee ka socda dalka Yemen ayaa maanta Duhurkii isku hor Gubay Xafiiska Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiyada ee UNHCR Ay ku leedahay magaalada hargaysa,

qoxootiga yemen

Wararka aanu ka  ka helay dad goobjoogayaal ayaa shabakada wararka ee wajaalenews u xaqiijiyay in maanta saacadu markay ahayd kowdii duhurnimo uu ninka mida qoxootiga yemen ee ku sugan magaalada hargaysa oo lagu magacaabo DIHAAL MAXAMED uu dab isku horqabsiiyay xafiiska haayada UNHCR  oo ku yaala xaafada Masalaha,

Dhacdadan ayaa si rasmiya loo hayn waxa sobobay.ninka qaxootiga ah ayaa waxa soo gaadhay dhaawac culus  kaasi hada xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo Cisbitaalka EDNA HOSBITAL EE magaalada Hargaysa.

Arintan oo ah Arin uguba isla markaana muujinaysa xaalada dhabta ah ee qaxootiga kasoo cararay dagaalada yemen ayaa la sheegay in ay sobobtay kadib markii haayada UNHCR ka gaabsatay caawimada qaxootigan iyo in ay tixgaliso xaalada ay ku sugan yihiin

sidoo kale wararka aanu ka helay ilo u dhow dhow dadka qaxootiga ah ayaa sheegay in ay haayadu ka joojisay baahiyaha nolosha oo ay markii hore wax ka caawin jirtay.

Somaliland ayaa Waxaa  ku sugan qaxooti tiro badan oo ka soo cararay dagaallada dalka Yemen. Sidoo kalena Warbixino ay xilliyo hore soo saareen qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Somaliland ku sugan ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee qaar ka mid ah qaxootiga Yemenida ah.

 

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS