Maroorsiga Taladii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gudoomiye Muuse Iyo Marwada kowaad Oo Ay Badka Soo Dhigtay Magacaabista Madaxtooyada Kasoo Baxaya Iyo Xogaha Ku Duugan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maroorsiga Taladii Madaxwayne Siilaanyo Ee Gudoomiye Muuse Iyo Marwada kowaad Oo Ay Badka Soo Dhigtay Magacaabista Madaxtooyada Kasoo Baxaya Iyo Xogaha Ku Duugan.
October 27, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo Malintii la Cayimay Maalinta uu Qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Waxaa Xoogaysanayay Awooda ay Qasriga Madaxwayne Siiraanyo ku Lahaayeen Kooxo Maroorsad ay Taladii Madaxwaynaha Waxaana Dibada u soo Baxday Ceebo badan oo laga Horjoogay Kooxdan Kursi Jacaylku Madax Maray Waxaana Maalintii Shalay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Iska Casiley Wasiiradii ugu Tirada Badnaa Waana Markii Koowaad ee Mudo Shan iyo Labaatan Sano ah oo Qaranka S/land Jiray ay mar Qudha Iscasilaan Masuuliyiin Tobaneeyo ah iyo Wasiiro Wasiir Ku Xigeeno halka Agaasimayaal iyo Maareeyayaal ah xukuumada kamida lafilayo in ay iscasilaan . Waxaana Bulshada S/land soo Gaadhaya Warar Dhiilo ah oo Maqalka u Daran Waxaanay Wararku Sheegayaan in Taladii Qaranka ay Maroorsadeen Habro iyo Habaarqabayaal Waligood aan Maslaxo iyo Sulux ka Talin oo Kursi Jacaylku Madax Maray Waxaana la Filayaa in Maalmaha soo Socda ay ku Dhaqaaqaan Talaabooyin Argagax iyo Xasilooni Darro Dalka Galinaya Sidoo kale Waxaa la Filayaa in Habrahan iyo Habaarqabayaashu Taladii Madaxwayne Siiraanyo Maroorsaday ay kula Kacayaan Masuuliyiinta Iscasiley Ficilo Sharciga Baalmarsan oo ay kaga Aarsanayaan Masuuliyiinta Iscasiley

 

Sidoo kale Kooxda Maroosatay Taladii Madaxwayne Siiraanyo ayaa la Xaqiijinayaa in Mabda”a u wayn ee ay Heshiiska ku yihiin uu yahay Burburinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada Qaranka S/land ku soo Caano Maalay Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Iscasishay la bixiyay Amaro Xasaanada Sharciga ah Baal Marsan ee Masuuliyiinta Qaranka u Shaqaynayay Xeerku Siiyay Waxaana Amaro lagu Bixiyay in aanay Xafiisyadoodii Gali Karin iyadoo dhanka kale laga Sugayo Xill Wareejintii Masuuliyadii Qaranku u hayeen.

qabsatay talada dalka

 

Sidoo kale waxaa la Sheegayaa in Kooxdan Taladii Madaxwayne Siiraanyo Maroorsatay ay ku Mashquulsan yihiin Xulista Masuuliyiinta loo Magacaabayo Jagooyinka ay Baneeyeen Masuuliyiintii Iscasiley Waxaana hada soo baxay wasiiro lamagacaabay oo dhamaan ah taageerayaashii muuse biixi iyo xubno Marwada Kowaad ka Ag dhow,

La Filayaa in ay Seeska u Dhigtay arintani in lasoo magacaabay Xukuumadii ugu Taagta Darayd uguna Talada Xumayd Sidoo kale Waxaa la Saadaalinayaa in uu Bilaabantay Habqankii iyo Burburka lagu Garto Xukuumadaha sii Dhacaysa.

Isku soo wada Duubuu Bulsho Waynta S/land Waxay Isha ku Hayaan Kooxda Maroosatay Taladii Madaxwaye Siiraanyo Talaabooyinka ay ku Dhaqaaqaan Maalmaha Fooda inagu soo haya .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE MAXAMED ALI XASAN

COMMENTS
LINKS