‘Maqabo foolxumo ka Wayni In Ay Jirto In Musharax Raba In Uu madaxwayne U Noqdo Ummad Dhan Haddana Uu Si faashil Ah Maalin Walba Casuumado Reeraysan Taageero loogu Raadiyo’.Cabdirashiid H.Mataan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
‘Maqabo foolxumo ka Wayni In Ay Jirto In Musharax Raba In Uu madaxwayne U Noqdo Ummad Dhan Haddana Uu Si faashil Ah Maalin Walba Casuumado Reeraysan Taageero loogu Raadiyo’.Cabdirashiid H.Mataan
October 15, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Murashaxa Madaxwayne kuxigeen Ee Xisbiga Ucid Cabdirashid Xasan Mataan Ayaa Si Cilmiyaysan Unaqdiyay Habdhaqanka hogaanka xisbiga kulmiye ku radinayo taageerada iyo Saamaynta ay ku yeelanayso qaranimada somaliland.

Hadaba isagoo arimahaasi ka hadlaya ayuu qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Face bookga Wuxuna u dhignaa sidan;

 

Natiijooyinka qaranimadii lagu wareejiyey xisbigii kulmiye ee uu hoggaaminayey Mudane Siilaanyo, shan sano ka dib markii dooroshooyinku soo foodsaareen, ololohoodii wuxu noqday mid qabyaaladaysan oo aan lala xishooneyn lagana yaabo in dhaxalkeedu noqdo in xisbinimadii lagu beddelayo beelo mid waliba yeelato musharax.

Maqabo foolxumo ka wayni in ay jirto in musharax raba in uu maaxadwayne u noqdo ummad dhan haddana uu si faashil ah maalin walba casuumado reeraysan taageero lagaga raadiyo. Hantigii ummaddana lagu burburinayo.

Tusaale ha inoogu filaato hab dhaqanka hoggaamintii kulmiye oo ku suntan mid qabyaaladeed inuu dalkii furfuray qaranimadiina cidhiidhi galiyey.

Kalsoonidarrada ku dhacday beelaha bariga iyo galbeedka waxa ka sii daran foolxumada qabyaaladeed ee ka dhex aloosan beesha dhexe. Loolanka kulmiye ka dhex socdaana hoggaan kasta oo uu soo saaro ma noqon doono hogaan qaranimo laga filan karo.

Walow aanan kalsooni badan ku qabin in hanaanka maamul ee jiraa ina gaadhsiin karo doorasho, haddana haddii ay dhacdo oo mar kale hogaamiye qabiil ku yimaadda la doorto waxaan shaki ku jirin in aynu ka sii foolxumaan doono halka aynu maanta marayno.

Waxaynu gaadhnay waqtigii loo fakari lahaa mustaqbal, waxaana hubaal ah in aanu madaxwayne qabiil dabada geliyaa keeni doonin hoggaan ummada anfaca ee uu noqon doono mid beesha iyo xulafaysi u adeega.

Waxan soo dhawaynayaa dhalinyadii isxilqaantay ee wadda ka hortagga qabyaaladda. Badbaadada SL waxay ku jirtaa in dhalinyaradu meel uga soo wada jeestaan in aan qabyaaladi caddaalad keeni karin ee looga gudbo qarannimo.

Waxaan kusoo dhawaynayaa dhammaan dhalinyarada jecel in qarankani hanaqaado, dhalinyarada aaminsan in aan qabyaaladi qaran samayn karin, aaminsan in taladu dhalinyaro gacanta u gasho si aynu u badbaadino wadajirka shacabka SL in ay soo galaan xisbiga UCID taageeraanna musharaxnimada Jamal &Cabdirashid oo an haba yaraatee reernimo ku iman oo aan aaminsanahay in ay hormood ka noqon doonaan hoggaanka SL ka beddeli lahaa siyaasadda qabyaaladaysan ee madhalayska ah ee in yari ku macaashto.

 

QALINKII ;Murashaxa Madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan

COMMENTS
LINKS