“Madaxweynuhu Wuxuu Ii Wakiishay Wakiil Madaxweyne Si Loo Soo Afjaro Khilaafkan Ka Dhex Taagan Musharixiinta, Waanan Ka Odayeynayaa” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweynuhu Wuxuu Ii Wakiishay Wakiil Madaxweyne Si Loo Soo Afjaro Khilaafkan Ka Dhex Taagan Musharixiinta, Waanan Ka Odayeynayaa”
October 22, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo madaxweyne Siilaanyo ku daray hoggaanka KULMIYE ee maamulaha hawlaha shirka golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo sida uu arrimaha u arko.

Wasiirka Wasaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo  sheegay in Musharixiintan looga baahan yahay inay si wanaagsan u tartamaan, madaama ay isku xisbi yihiin, waxaanu yidhi “Wax badan oo la isku hayaa ma jirto, waxa la isku hayaa Miiska ayuu yaala isaga oo qoran, laakiin haddii uu meesha khilaaf yimid, waxa uu Madaxweynuhu ii wakiishay oo aan ahay Wakiil Madaxweyne si loo soo  soo afjaro khilaafkan ka dhex taagan Musharixiinta, waa laba iyo laba, balse anigu waan ka odayeynayaa, waxaana ILLAAHAY ka  rajaynayaa in wixii tabasho ah ee jirta sida ugu dhakhsaha badan loo dhameeyo”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu la hadlaayey Musharixiinta ayaa yidhi “Musharixiintan ku dhex loolamaya Xisbiga Kulmiye iyaga ayaa isku xisbiya, iyaga ayaa meel dagaalka kaga wada jira, iyaga ayaa isku dan ah, markaas inay tartamaan, oo wixii dhib ah ee jira ee ay kala tabanayaan inay dhameeyaan ayaa haboon, in si wanaagsan oo kalsooni ku dheehan tahay Doorashada u wada galaan ayaa wanaagsan, oo Musharaxa guulaysta inay Musharixiinta kale hambalyeeyaan kadibna shacabkooda dhinaca ka raacan ayaa wanaagsan”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey Nabada ayaa yidhi “Nabadu waa shay qaaliya, Somaliland marxalado kala duwan ayey ka soo gudubtay, dhib badan oo aad u adag ayey ka soo gudubtay, in qaranimada meel looga soo wada jeesto, oo cidii dhib ku ah aynu iska qabano weeye, waxaana dhici karta in wax yaabaha yar yare ee aynu sameeynayno in cadawgu inoogu soo dhuuntaan, markaas aad aynu u feejignaano.” Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami,

 

COMMENTS
LINKS