Madaxweyne Siilaanyo oo Markale Caawa Magacaabay Guddi Ka Hawl Gali Doonta Xalinta Khilaafka Kulmiye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo Markale Caawa Magacaabay Guddi Ka Hawl Gali Doonta Xalinta Khilaafka Kulmiye.
October 31, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo ayaa Gudi u Magacaabay Soo Afjarida Khilaafka Kulmiye ee ka dhashay Shirka Golaha Dexe. xubnahasi oo kala ah

wasiirka Gashandhiga Axmed X. Cali Cadami, xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, guddomiyaha dawlad wanaag Iyo ladagaalanka musumaasuq Axmed Muxmed Madar, Gudoomiyaha Gudida furista ururada Cabdirisaaq Ciyaale Iyo xubin ka tirsan Komishanka doorashooyinka.

Arintan ayaa timid ka dib markii uu xalay Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Garabada isku haya Xisbiga Kulmiye.

dhanka kale qabsoomida shirka ayaa waxaa ka hadhsan mudo aan ka badnay toban cisho taasi oo xiligan aanay ku dhamaan karin xal laga gaadho balse sida wararka aanu helaynaa tibaaxayaa magacaabistan ayaa u muuqata mid lagu jaho wareerinayo xubnaha khilaafku kala irdheeyeen amaba cimri dherer loogu raadinayo shirka golaha dhexe dibloogu dhigo.

COMMENTS
LINKS