Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Ka Kala Socda Garabyadda KULMIYE U Magacaabay Qaban-qaabadda Shirka Golaha Dhexe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi Ka Kala Socda Garabyadda KULMIYE U Magacaabay Qaban-qaabadda Shirka Golaha Dhexe.
October 21, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta markii uu darsay baaxadda khilaafka xisbul-xaakimka KULMIYE, waxa uu go’aamiyay in Guddi  shan  xubnood ah oo ka kala socda Garabadda u loolamaysa Murrashaxa Madaxwenaha u xil saaray inay si wada-jir ah u qaban qaabiyaan shirka shanaad ee Golaha dhexe ee xisbigaasi.

Ilo xog-ogaal ah ayaa   xaqiijiyay  in Madaxweynuhu ka dib markii uu shalay illaa habeen hore urursaday tallooyinka waayeelka KULMIYE, waxa uu ugu dambayn  amar ku bixiyay inay  Guddi qaban-qaabo oo soo agaasinta hanaanka uu u qab-soomaayo shirka Golaha dhexe ee loo muddeeyay inuu magaaladda Hargeysa ka qabsoomo 10-ka Bisha November 2015 ee fooda innagu soo haysa.

Guddidaasi oo  shan xubnood ka kooban waxay kala yihiin.

 

1)- Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, oo ka soo jeeda Garabka Muuse Biixi.

2)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle  (Guddoomiye Ku –xigeenka Saddexaad  ee KULMIYE)  oo ka soo jeeda isbahaysiga Murrashaxiinta kale.

3)-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo  (Guddoomiye Ku –xigeenka Labaad ee KULMIYE) oo  taageersan isbaysiga Murrashaxiinta kale.

4)-Maxamed Kaahin Axmed (Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE) oo ah Garabka Muuse Biixi.

5)- Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo isagana oday looga dhigay.

Guddidani waxay biyo col dhaanshay ka dhigayaan hawl-galkii Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu maalmihii la soo dhaafay ku bilaabay qorshe uu ku kaliyaystay oo uu ku qeybinayay kaadhadhka Golaha dhexe, arrintaasi oo saddexda murrashax ee kale ee la tartamayaa ku tilmaameen mid ka mid ah dariiqooyinka madmadowga abuuraya ee uu Guddoomiyuhu ugu tagri falayo awooda hoggaaminta xisbiga.

 

COMMENTS
LINKS