|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ireland Oo Qasrigiisa Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.
October 6, 2015 - Written by Editor:Ireland(Wajaalenews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Mud. Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Dalkaas ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkan Ireland. Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland, waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in Dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga rer Somaliland su gayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta. Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo Sabina Higgins ayaa si balaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay taariikhda iyo halganka ay Ummada Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.
Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|