Madaarka Magaalada Berbera Oo Ay Xukumaddu faasaxday Yaase La Wareegaaya? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaarka Magaalada Berbera Oo Ay Xukumaddu faasaxday Yaase La Wareegaaya?
October 2, 2015 - Written by Editor:

Dubai,(Wajaalenews)-Waxa soo ifbaxaaya shirakada ay xukumadda Siilaanyo ka kiraysay madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera ee dalka Somaliland, tan iyo dhowrkii bilood ee ina soo dhaafay waxa aad loo hadal hayay iibinta haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera oo gaadhay Aakhirkii in shirgudoonka golaha wakiiladu ay isku gacan saaraan kadib markii dawladu ay damacday in ay khasab kula wareegto golaha wakiilada, si loogu ogolaado iibinta haamaha shiidaalka ee Berbera, iyada oo adeegsanysa xubno ma mid ah golaha wakiilada oo uu hor kacaayay gudoomiye ku xigeenka koowaad golaha wakiiladu mudane Baashe Maxamed Faarax arintaasi oo aakhirkii lashay in la iibiyo haamaha shiidaalka ee magaalada Berbera inkasta oo ay xukumadu ku taamayso in ay iibiso iyada oo aan la mari doonin ansixinta golaha wakiilada.

 

Hadaba xiligani ayaa ay toos u soo shaac baxaysaa in xukumadda Siilaanyo oo ay horkacyaan wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi iyo wakiilka dalka Imaaraadka u qaabilsan xukumadda Siilaanyo, oo ah wiilka uu madaxweynahu sodog u yahay.

BERBERA AIRPORT

Airport-ka Berbera ayaa ay xukumaddu ka kiraysay shirkad degan dalka Imaaraadka gaar ahaan magaalada Dubai oo la yidhaahdo OAS, shirkadaasi oo sida la sheegay ay heshiis hordhac ah kala saxeexdeen wasiirka duulista iyo hawda waxa ay yimaadeen dalka waxana si fiican hawsheeda u daadahiinaaya Bashe Cawil oo khadkani qayb laxaadle ku leh iyo wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi

Hadaba mar dhawaan arintani wax laga waydiiyay wasiirka duulista iyo hawada waxa uu sheegay in ay samayn doonaan wax kasta oo dalka fa’iido ugu jirta, arinta madaarka Berberana waxa uu sheegay in ay arintaasi ka mid tahay, waxana uu ka gaabsaday in uu sheego cida ay ka kiraynayaan madaarka Berbera.

Dhanka kalena waxa aanu xidhiidh toos ah la samynay shirkada OAS, ee la sheegaayo in laga kireeyay madaarka Berbera, waxana aanu u dirnay sadex qoraal oo aanu kaga codsanyno in ay ka jawaabaan waxa ka jira in ay xukumadda Somaliland ka kiraysay madaarka Berbera, sidoo kale waxa aanu ka codsanay in ay nagu xidhaan cida arintani masuulka uga ah, hase ahaatee shirkadu way ka gaabsatay in ay haba yaraatee ka soo jawaabto codsiyadayadii, arintaasi oo aanu ka war sugaynay 10-kii cishe ee ugu danbeeyay waxana ay gabi ahaanba diideen in ay ka soo jawaabaan email-adii aanu u dirnay oo aanu dhamaantood hayno cadayntoodii arintaasi oo abuurtay shaki balaadhan oo ah in shirkadaasi ay doonayso in ay si qarsoodi ah ula wareegto madaarkaasi oo aan loo ogolayn in ay saxaafada gasho ama laga war helo.

Shirkadini la sheegaayo in ay la wareegi doonto madaarka ee (AOS) ayaan arinteeda la marin dhabadii sharciga ahayd oo aan la hor gaynin golaha wakiilada, sidoo kale waxa laga qarinyaa dadweynaha reer Somaliland siiba shicibka reer Berbera, sidoo kale shirkadani ma aha mid khibrad u leh maamulida madaarada noocani ah oo kale, waxana la sugayaa inta ay shirkadiani la wareegi doonto ama ay ka noqon doonto la wareegida madaarka Berbera madaama oo xukumadda hada dalka ka talisaa ay tahay mid ku meel gaadh ah oo loo igmaday oo qudhaata in ay dalka gaadhsiiso doorashooyin xor ah oo xalaal ah, sidoo kale heshiis aan shuruucda dalka waafaqsanyini ma noqon doono mid sinaba u meel mari doona.

La soco faah faahin dheeraad ah oo aanu arimahani idiinka soo gudbin doono dhawaan

XIGASHO ;QARANEWS

COMMENTS
LINKS