|
|||||
WAJAALE NEWS
Maantana Ma Mashruucbaa lagu soo Qaatay Burburka Somaliland !
October 23, 2015 - Written by Editor:Ganacsatada & Siyaasadda Somaliland ! Haddii adiga oo jooga Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa la soo hadal qaado Ganacsatada waaweyn ee Somaliland waxa Maxamed Aw Siciid noqonayaa ashkhaasta ku soo deg-degaya xasuustaada. Haddii aad isa sii waydiiso waxa uu Ganacsi ahaan ugu soo kordhiyey Somaliland waxaad markaaba qalbigaaga ku soo dhacaya Shirkadda Isgaadhsiinta Internet-ka ee SOMCABLE oo shan sanadood ka dib aan halkii loo baahnaa gaadhin isla-markaana si teel teel ah shaqadeedu uga socoto Caasimadda Hargeysa. Illeyn waad fikireysaaye haddaad adiga oo aan cid kale waxba’ba su’aalin aad adigu iswaydiiso Maxaa shan sanadood Shirkadda SOMCABLE halkaa dhigay haddii qorshuhu ahaa inay noqoto Wakiilka Internet-ka Somaliland oo ay kala wareegto Shirkadaha kale ee hadda jira, adiga oo aan cidna jawaab ka sugin waxaa damiirkaagu diidayaa waxaa dhaqaalaha Afartanka Milyan ka badan loogu bixiyey hirgelinteeda haddii Maxamed Aw Siciid oo mulkiyaddeeda ku magacaaban kaga mashquulayo Siyaasadda Somaliland iyo hirdanka garabyada KULMIYE. Haddaad iswaydiisaan muxuu qoraagu uu Ganacsadaha kala doonay siyaasadda iyo loolanka muddada dheer soo jiitamayey ee KULMIYE, waad ii garaabi sow maaha haddaan ku idhaahdo Maxamed Aw Siciid waa furaha iyo xidhaha Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Sow warkayga qaadan maysaan haddaan idiin sheego in Maxamed yahay ganacsadihii ka shaqeeyay in Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwayne Siilaanyo ka heshiiyaan khilaafkii Musharraxnimada KULMIYE ee sannadkan bilowgiisii. Waa run oo Ganacsatadu saamayn bay ku leeyihiin Siyaasadda dalkeenna, balse ma u malaynaysaa in inta Maxamed Aw Siciid uu shaqadiisii shaqsiga ahayd kaga jeedo siyaasadda KULMIYE in Shirkaddiisu la talaabsan karto Shirkadaha kale. Malaha Su’aalaha ayaan idinku badiyee, Maxamed Aw Siciid oo isagoo ahaa Ganacsadihii dhaqaalaha ugu badan ku bixiyey shirkii Hoodaale ee beesha Sacad Muuse ku qabsatay deegaanka Agabar ee gobolka Gabiley ayuu haddana Maalmo ka dib laba u kala qaybiyey guddigii lagu Magacaabay ee qaabilsanaa horumarinta beesha isagoo awood dhaqaale adeegsanaya. Haddaba garaney burburinta Beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse, ee imikana ma wuxuu Mashruuc ku soo qaatay burburinta Qaranka Somaliland ?. Dadka qaar baa markay qoraalkan akhristaan odhan doona Maxamed Aw Siciid kuma mashquulsana Siyaasadda KULMIYE, laakiin waa su’aale hadduu Hargeysa ku leeyahay Mafaariish kulmiya siyaasiyiinta iyo dadka taabacsan Guddoomiyaha KULMIYE sow maaha siyaasi?. Haddaanu Siyaasadda ku milmin maxaa Maalin kaliya loo Maqli waayay ama loo arki waayay isagoo ka hadlaya oo jooga shirarka Horumarinta dalka ee ganacsatada Dabashiil ka mid yahay ka qayb-galaan. Akhriste, Maxamed Aw Siciid inaad magaciisa maqasho mooyaane weli miyaad aragtay, dadka miyaad ka taqaan, hadduu kaa soo hor-baxo ma garan lahayd ?, anigu sidaan qabo maya. Haddiise aad booqato Madalaha Siyaasadda lagu faaqido ee fadhi ku dirirka ka istaadho murannada siyaasadda markaaba waa laguu sheegayaa in caguhu u fidsan yihiin.
Si kasta oo hab-dhaqankiisu yahay, waxaan hadalkaga kaga baxayaa in inta Maxamed Aw Siciid uu Siyaasiyiinta beeshiisa dhaqaalaha la deba socda inaan la helayn midnimada Beesha Sacad Muuse, Shirkadda Somcable-na aanay halkaa dhaafayn, waayo ? waxa la yidhi ‘Ruqe ninkii lahaa debada hayo ma kacdo.
La soco…..
Cabdicaciis Saleebaan Daahir
Hargeysa/Somaliland
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|