|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamul Daadajintii Loogu Talagalay In Gobolada Dalka Horumarkooda Kor Loogu Soo Qaado Waxay Isu Badashay?
October 1, 2015 - Written by Wariye:Hadaba waxay bulshada inteeda badan is waydinayaan maxay kusoo kordhisay Sidaynu lasoconay intii ay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay axmed maxamed maxamuud silanyo talada dalka qabsatay waxay ku dhaqaaqday qorshayaal aad u waa wayn, qorshayashaas waxaa kamid ahaa maamul daadajin in lagu samayn doono gobolada dalka oo dhan, Hadaba waxay bulshada inteeda badan is waydinayaan maxay kusoo kordhisay maamul daadajintii loogu talagalay in gobolada dalka lagu horumariyo. Inta aqoonta, cilmiga iyo aragtida dheer leh waxay jawaabtoodu noqotay badhasaabadii oo xafiisya aan lagaranayn shaqadooda ka samaystay magaala madaxda jamhuuriyada Somaliland ee hargiesa haba ugu sii darnaadaan kuwa gobolada bari oo ah kuwa ugu hoseeya marka laga hadlayo horumarka ka jira dalka jamhuuriyada Somaliland. Sida Sanaag Sool Saraar hadaan sharaxaad ka bixiyo wasaarada qorshaynta qaranka waxay soo dajisaa qorshihii loogu talagalay gobol walba waxayna u gudbisaa xafiiska wasaarada ay ku leedahay gobol kasta xafiiskasi waxuu usii gudbiyaa maamulka gobolka, halkaana waxaynu ka fahmaynaa in maamulka gobolka shaqadiisa wayn ay tahay inuu ka shaqeeya qorshaha wasaarada ay usoo marisay xafiskeeda horumarinta gobolka uu badhasaabka ka yahayna uu ku faani lahaa kuna sugnnaan lahaa halka loo magacaabay oo ah halka loo doortay inuu ka shaqeyo. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaynu eegaynay in wasaaradaha halka shaqadooda ugu wayn ay taalo ee ah gobolada laga sameeyo xafiiska wasiir ku xigeenka wasaradaa. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|