|
|||||
WAJAALE NEWS
Maalqabeen Ku Milmay Saaxada Siyaasada Iyo Sumcad Xumada Ka Soo Gaadhi Karta Shirkadihiisa Ganacsi.
October 2, 2015 - Written by Editor:“TAAJIROW TOLKAA TAAGTAA LOOGUMA TALIYO” Xilli doodu mudantahay Xikmadii dahaadhnayd Xayiraada laga qaad Xaqa qalinku raadcee Xarfihii qoraagana Xogihii qarsoonaa Xaqiiqada ku soo tabi Xilka guday qoraagii Waa. Qalinkii ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land Tel 4669910 Waa Qormo loogu wanqalay Warsan iyo Weedhsan Waa Waano iyo tilmaamo suuban oo ku socota mid ka mida Tujaarta ama Mulkiilayaasha Shirkadaha waawayn ee ka hawl gala guud ahaan Dalalka S/land iyo Jabuuti Ganacsadahan oo ka badheedhay in uu ku milmo Saaxada Siyaasada isagoo Han iyo Damac Siyaasdeed oo Naftiisa ahi ku dhalan balse u kala hiilinaya Laba Siyaasi oo Abtirsiinta u Siman Waa Weedho Talo Tolnimo Xambaarsan oo aan uga digayo Maalqabeenka in uu dhex qaado Saaxada Siyaasada taasina ay Sabob u noqon karto Sumcad Xumo soo gaadha Shirkadaha Ganacsi ee Mulkigooga leeyahay iyo Taariikh Xumo ka raaacda Taajirkan ayaa noqday Nin saamayn balaadhan ku leh Saaxada Siyaasada Awood Dhaqaalena u adeegsada in uu ku Maamulo Qaybaha kala duwan ee Beesha uu ku Abtirsado isagoo ku Qasbaya in ay qaataan Fikirka Siyaasadeed ee uu aaminsan yahay isagoo Shirar badan u qabtay Beel waynta dagta Gobolka Gabiley Galbeedka iyo Waqooyiga Hargaysa ugu horayna Ganacsadahan waxaan xasuusin lahaa Maahmaahda odhanaysa [Tolkaa Taagtaa Looguma Taliyo] MAALQABEENKAN oo Waqtigu saaciday ayaa Labaatankii Sano ee u danbeeyay ka mid noqday Tujaarta Waawayn ee Milyaneerka lagu tilmaamo ayaa ah Mulkiilaha Shirkado Ganacsiyo kala duwan oo ka Hawl gala S/land . Ganacsadehan ayaa lagu tilmaamaa Maalqabeen furfuran oo Bulshaawi ah Xidhiidh dhawna la leh Madaxda ugu Saraysa Dalalka S/LAND iyo D.JABUUTI ayaa Cudidiisa Dhaqaale la Arkaa markuu u kala hiilinayo Laba Siyaasi oo ku Tartamaya Saaxada Siyaasada iyadoo Bulsho waynta S/land iswaydiinayso Sobobta Ganacsadahan Awoodiisa Dhaqaale uga muuqan wayday Adeegyada Danta Guud ee Bulsho Waynta S/land Baahida wayn u qabto isagana Xasanaat Xaga ALLE ah looga qori lahaa Sidoo kale Maalqabeenka ayaa kali ku noqday Maal galinta Shirar doceedyo Siyaasadeed iyo Dabaal dagyo ka dhacay Huteelada waawayn ee Magaalada Hargaysa oo Ujeedada Dhabta ah ee loo qabtay aan wali la garan waxaana xusid mudan Xaflad ka dhacday Huteelka Maansoor 20/12/2014 Maalin Sabti ah oo aniguna aan ka mid noqday ka qayb galayaashii Xaflada Munaasibada oo Ilyartu is qabatay kana soo qayb galeen Suldaano Cuqaal Odayo Waxgarad Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee Beeshu ka kooban tahay oo aanay Dumarku ku jirin Munaasibada ayaa lahayd mid Wajiyo badan oo Dareenkooda Xambaarsan Sobobta oo ah isla Maalintaa ku Taariikhaysan 20/12/2015 Madaxwayne Siiraanyo iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Shir ku yeeshay Dalka aynu Jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Waxaase Iswaydiin mudan [Maxaa isku Beegay Shirka Madaxwayne Siiraanyo kula yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xaflada Beesha Sacad Muuse] Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan Maalqabeenku muxuu Indhaha uga qarsanayaa KHilaafka soo kala dhex galay Siyaasigii uu taageersanaa iyo Suldaanka Guud ee Beesha Habar Awal. Waa yaabka yaabkiiye Sadex Maalmood ka dib Maalin Arbaca ah oo ku Taariikhaysan 24/12/2014 ayaan ka war helay Qaban Qaabada Munaasibado Jawaab celin u ah Xafladii Hore waxaana Munaasibadahan Maal galiyay Wasiirkii Hore ee Maaliyada C/casiis Samaale iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamad Biixi Yoonis oo Cadaalad Daro u arkayay Hadalo iyo GOAANO la sheegay in ay gaadhay Gudi Beeleedka Abtirsiinta ay wadaagaan Xafladahan oo ka kala dhacay Hargaysa Huteelka Maansoor iyo Magaalada Gabiley waxaa ka soo Qayb galay Suldaano Cuqaal Odayo Waxgarad Ganacsato Dhalinyaro ku ABtirsada Beesha Sacad Muuse [Waxaase iswaydiin mudan maxaa kulmiyay soo laabashada Safarkii Madaxwayne Siiraanyo iyo Munaasabada danbe] [Maxaase ku Lamaanaa Dhag xumada Beesha ka soo Gaadhay iska dba hadalkii] Waxaa la ogaan doonaa Sanadaha iyo Bilaha soo socda Talaabooyinka aan looga Baran Maalqabeenadii hore ayay Aqoonyahanada ka faalooda Suuqgaynta ama [MARKATING] Shirkadaha Ganacsi ayaa ku tilmaamay in ay Sumcad xumo wayni ka soo gaadhi karto Macamiil badana uu ku waayi doono Mulkiilahana looga baahan yahay in uu Saaxada Siyaasada dhex ka ahaado Maamulka Sare ee ka hawl gala Shirkadaha Ganacsi ee Maalqabeenkanl leeyahay ayaa ah Rag Caan ka ah Saaxada Siyaasada goobaha lagu kulmana Fikirka uu Aaminsan yahay Bulsho Waynta S/land ka dhaadhiciya Dhanka kale waxa isa soo taraya Guuxa iyo nacaybka Taageerayaasha Siyaasiyiinta uu Godobta Siyaasadeed ka galay uu Walina Dagaalka kula jiro u hayaan Maalqabeenkani Taageerayaashan ayaa la saadaalinayaa in ay Afka Furan doonaan hadii uu Ganacsadahani ka Waantoobi waayo in uu u kala Hiiliyo Laba Siyaasi oo Abtirsiinta u Siman Guntii iyo Gabagabadii waxaa Isha lagu hayaa In uu Ganacsadahani joojiyo Talaabooyinkan Dhaawici kara Sumcada Shirkadahiisa Ganacsi Waa Barito iyo Bil danbe Hadii ALLE yidhaa
Qalinkii ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land Tell 0634669910 Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|