Maalqabeen Ku Milmay Saaxada Siyaasada Iyo Sumcad Xumada Ka Soo Gaadhi Karta Shirkadihiisa Ganacsi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalqabeen Ku Milmay Saaxada Siyaasada Iyo Sumcad Xumada Ka Soo Gaadhi Karta Shirkadihiisa Ganacsi.
October 2, 2015 - Written by Editor:

“TAAJIROW TOLKAA TAAGTAA LOOGUMA TALIYO”

Xilli doodu mudantahay

Xikmadii dahaadhnayd

Xayiraada laga qaad

Xaqa qalinku raadcee

Xarfihii qoraagana

Xogihii qarsoonaa

Xaqiiqada ku soo tabi

Xilka guday qoraagii

Waa. Qalinkii ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land Tel 4669910

Waa Qormo loogu wanqalay Warsan iyo Weedhsan  Waa  Waano iyo tilmaamo suuban oo ku socota  mid ka mida Tujaarta ama  Mulkiilayaasha  Shirkadaha waawayn ee ka hawl gala guud ahaan Dalalka S/land iyo Jabuuti Ganacsadahan oo ka  badheedhay in uu ku milmo Saaxada Siyaasada isagoo Han iyo Damac Siyaasdeed oo Naftiisa ahi  ku dhalan balse u kala hiilinaya Laba Siyaasi oo Abtirsiinta u Siman

Waa Weedho Talo Tolnimo Xambaarsan  oo aan uga digayo Maalqabeenka in uu dhex qaado Saaxada Siyaasada taasina ay Sabob u noqon karto Sumcad Xumo soo gaadha  Shirkadaha Ganacsi ee Mulkigooga leeyahay  iyo Taariikh Xumo ka raaacda Taajirkan ayaa noqday Nin saamayn balaadhan ku leh Saaxada Siyaasada Awood Dhaqaalena u adeegsada  in uu ku Maamulo  Qaybaha kala duwan ee Beesha uu ku Abtirsado isagoo ku Qasbaya in ay  qaataan Fikirka Siyaasadeed ee uu aaminsan yahay isagoo Shirar badan u qabtay Beel waynta dagta  Gobolka Gabiley Galbeedka iyo Waqooyiga Hargaysa  ugu horayna Ganacsadahan waxaan xasuusin lahaa Maahmaahda odhanaysa [Tolkaa Taagtaa Looguma Taliyo]  MAALQABEENKAN oo  Waqtigu saaciday ayaa Labaatankii Sano  ee u danbeeyay ka mid  noqday Tujaarta Waawayn ee Milyaneerka lagu tilmaamo  ayaa ah Mulkiilaha Shirkado Ganacsiyo kala duwan oo ka Hawl gala S/land .

Ganacsadehan  ayaa lagu tilmaamaa Maalqabeen  furfuran oo Bulshaawi ah  Xidhiidh dhawna la leh Madaxda ugu Saraysa Dalalka S/LAND iyo D.JABUUTI ayaa Cudidiisa Dhaqaale la Arkaa markuu u kala hiilinayo  Laba Siyaasi oo ku Tartamaya Saaxada Siyaasada iyadoo Bulsho waynta S/land iswaydiinayso Sobobta Ganacsadahan Awoodiisa Dhaqaale uga muuqan wayday  Adeegyada Danta Guud ee Bulsho Waynta S/land Baahida wayn u qabto isagana Xasanaat Xaga ALLE ah looga qori  lahaa

Sidoo kale Maalqabeenka ayaa kali ku noqday Maal galinta Shirar doceedyo Siyaasadeed  iyo Dabaal dagyo ka dhacay Huteelada waawayn ee Magaalada Hargaysa oo Ujeedada Dhabta ah ee loo qabtay aan wali la garan  waxaana  xusid mudan Xaflad  ka dhacday Huteelka Maansoor  20/12/2014 Maalin Sabti ah  oo aniguna aan ka mid noqday ka qayb galayaashii Xaflada Munaasibada oo Ilyartu is qabatay kana soo qayb galeen Suldaano Cuqaal Odayo Waxgarad Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee Beeshu ka kooban tahay oo aanay Dumarku ku jirin Munaasibada ayaa lahayd mid Wajiyo badan oo Dareenkooda Xambaarsan Sobobta oo ah isla Maalintaa ku Taariikhaysan 20/12/2015 Madaxwayne Siiraanyo iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Shir ku yeeshay Dalka aynu Jaarka nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti Waxaase Iswaydiin mudan [Maxaa isku Beegay Shirka Madaxwayne Siiraanyo kula yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Xaflada Beesha Sacad Muuse] Sidoo kale waxaa iswaydiin mudan Maalqabeenku  muxuu Indhaha uga qarsanayaa KHilaafka soo kala dhex galay Siyaasigii uu taageersanaa iyo Suldaanka Guud ee Beesha Habar Awal.

Waa yaabka yaabkiiye Sadex Maalmood ka dib  Maalin Arbaca ah oo ku Taariikhaysan 24/12/2014 ayaan ka war helay Qaban Qaabada  Munaasibado  Jawaab celin u ah Xafladii Hore  waxaana Munaasibadahan      Maal galiyay  Wasiirkii Hore ee Maaliyada C/casiis Samaale iyo Wasiirka Arimaha Dibada Maxamad Biixi Yoonis  oo Cadaalad Daro u arkayay Hadalo iyo GOAANO la sheegay in ay gaadhay Gudi Beeleedka Abtirsiinta ay wadaagaan Xafladahan oo ka kala dhacay Hargaysa Huteelka Maansoor iyo Magaalada Gabiley waxaa  ka soo Qayb galay Suldaano Cuqaal Odayo Waxgarad Ganacsato Dhalinyaro ku ABtirsada Beesha Sacad Muuse  [Waxaase iswaydiin mudan maxaa kulmiyay soo laabashada  Safarkii Madaxwayne Siiraanyo iyo Munaasabada danbe] [Maxaase ku Lamaanaa Dhag xumada Beesha ka soo Gaadhay iska dba hadalkii] Waxaa la ogaan doonaa Sanadaha iyo Bilaha soo socda

Talaabooyinka aan looga Baran Maalqabeenadii hore ayay Aqoonyahanada ka faalooda  Suuqgaynta ama  [MARKATING] Shirkadaha Ganacsi ayaa ku tilmaamay in ay Sumcad xumo wayni ka soo gaadhi karto Macamiil badana uu ku waayi doono Mulkiilahana looga baahan yahay in uu Saaxada Siyaasada dhex ka ahaado

Maamulka Sare ee ka hawl gala Shirkadaha Ganacsi ee Maalqabeenkanl leeyahay  ayaa ah Rag  Caan ka ah Saaxada Siyaasada goobaha lagu kulmana Fikirka uu Aaminsan yahay   Bulsho Waynta S/land ka dhaadhiciya

Dhanka kale waxa isa soo taraya Guuxa iyo nacaybka  Taageerayaasha  Siyaasiyiinta uu Godobta Siyaasadeed ka galay uu Walina Dagaalka kula jiro u hayaan Maalqabeenkani Taageerayaashan ayaa la saadaalinayaa in ay Afka Furan doonaan hadii uu Ganacsadahani  ka Waantoobi waayo  in uu u kala Hiiliyo Laba Siyaasi oo Abtirsiinta u Siman

Guntii iyo Gabagabadii waxaa Isha lagu hayaa In uu Ganacsadahani  joojiyo Talaabooyinkan Dhaawici kara Sumcada Shirkadahiisa  Ganacsi Waa Barito iyo Bil danbe Hadii  ALLE yidhaa

 

Qalinkii  ABwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Gabiley S/land

Tell  0634669910

COMMENTS
LINKS