Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q.6aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q.6aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali.
October 31, 2015 - Written by Editor:

Bariga dhexe, waa mandaqad ay muddo aad u dheer oo ku siman 500  oo sanno ay kaso jireen khilaafyo iyo collaaddo baahsan oo salka ku haya dhinaca khayraadka biyaha. Maamulka, qaybsiga iyo isticmaalka biyaha  ayaa waxa ay noqdeen kuwo ay aad iskugu khilaafeen dalalka dhaca gobolka Bariga dhexe. Wabiyadi aynu kuso xusnay qaybihii hore e maqaalkan taxanaha ahaa ee ay ka midka ahayayeen  wabiga Tigris iyo Euphrates, sido kalana loo yaqaano  (AL furaat iyo Dijla ) Litani, Orantes iyo kuwa la midka ah sida wabiga Jordan oo dalal dhawr ihi isku haystaan isticmaalkiisa, ayaa waxa ay noqdeen kuwo ay adkaatay sidii xal looga gaadhi lahaa, loona soo af jari laha xaladda khilaaf ee ay sababeen. Geesta kale, waxa iyaduna ka haddalkeda leh oo arrimahan khilaafka biyaha qayb ka ah in lagu heshiin waayo degaanka, dhaqanka iyo waliba diinta, taaso dallalka qaar caqabad ku noqotay sidi ay iskugu fahmi lahaayeen dhinaca biyaha, iyadoo ay adkaatay inay si midaysan uga wada xajaadoon arrintaasi.

Waayadan u dambeeyay, waxa aad usii xoogaystay arragtida muhiimada biyaha iyo in biyuhu ay noqdeen mid  dalkastaa uga faa’idaysan karo barnaamijyada u gaarka ah, iyado sidoo kale ay qayb ka yihiin arrimaha siyasadded iyo military oo dalalku ay uga faa’daysan karaan danaha dawladnimo e ay leyihin. Waxa kale  uga faa’idaysantaan sidii ay dhinaca dhaqaalaha hor-umar ay uga gaadhi lahayen, iyado dhaqaaluhuna wayadan dambe u noqday awooda kaliya ee dal walaaba uga faa’Iidaysan karo inu dunida inteda kale samaayn xoogan ku yeesho, kana dhaadhiciyo arargtidisa siyaasadded ee u gaarka ah taaso u ku gaadhi karo danta dawladnimo.

cabdiraxiim 2

Bariga dhexe, waxyaabaha culayska ku ah in arrinta khilafku joogsado, sido kalana lagu heshiiyo khilaafyada ka taagan khayraadka biyaha, sida wabiyada iyo harooyinka ayaa waxa qayb ka ah:

  1. Korodhka dadyowga gobolka, iyo sido kale faqriga,
  2. Is maandhafka siyasadded iyo kalsooni darada iyo wada shaqayn la’aanta ka dhex jirta dalalka mandaqaada..

Korodhka Dadyowga Mandaqadda, Iyo Sido Kale Faqriga.

Labadan arrimoode is barkan ee koradhka dadyowga iyo faqriga ka jira meelo ka tirsan waddamada mandaqadda bariga dhexe, ayaa waxa ay qayb wayn ka tahay inu sii waaro khilaafka dhinaca biyaha ee ka jira goobtaasi. Koritanka dhaqaale ayaa waddamada qaarkod hoos u dhacay, waxana dhinaca kale aad u kordhay tirada dadka wadamadaasi. Waxa lasoo  gudbonaatay dadyow fara badan oo ku nool mandqadaas xaalad dhaqaale xumo iyo inanay helin adeegyada asaasiga u ah nolosha Adamaha, iyado ay ugu muhiimsan tahay sidii ay u heli lahayeen biyo nadiif ah.

Dhinaca kale, waxa iyaduna yaraatay wax so saarka dalal dhaca mandaqadda.  Iyada  oo ay jirto in wadamada mandaqada bariga dhexe intooda badan ay yihiin dalal dhaqalaha  ka hela, kuna tiirsan dhinaca wax soosaarka, ayaa haddaba waxa adkaatay sidii lo heli laha biyo ku filan oo ka caawiyo dhinaca beeraha iyo wax so saarka. Arrintaasi  waxay keensatay  in dalalka mandaqada uu dal walaaba dadaal u galo sidii u u heli laha biyo ku filan, taaso yaduna keentay in khilaaf salka ku haya dhinaca khayrkadka biyuhu uu ka dhex dhasho dalalka dhaca mandaqada bariga dhexe.

Kalsoonida darada ka dhex jirta hoggaamiyayasha  Waddamada Bariga Dhexe.

Laga soo bilaabo 50 kii sanno ee u dambeeyay waxa mandaqadda hadheeyay oo  daashaday dagaallo ka dhex qarxay badiba wadamada bariga dhexe, tani waxa ay saamayn ku yeelatay  siyaasaddi iyo iskaashigiii ka dhaxeeyay dalalka dhaca mandaqadda. Waxa adkaatay oo sido kale mesha ka baxday kalsonidii ay isku qabeen dadyowga iyo hoggaamiyayashii waddamada bariga dhexe. Isku so dhawanshaha madaxda gobolka ayaa noqotay mid an suurtobi karin, waxa adkaatay in lasoo celiyo kalsoonidi burburtay wakhtiyadii ay dagaaladu ka dhex socdeen waddamada mandaqadda.

Arimaha khilaafka biyaha ayaa iyaguna ad u adkaatay ka hadalkoodu, waxana shirar badan iyo heshiisyo badan oo si gaar gaar lo qabtay soo qaban qaabiyay haayadaha calamiga ah iyo urruro madax banaan. Hoggaamiyayaasha mandaqadu way adkatay in si hufan ay uga wada hadlaan xaalada ka tagan mandqada gaar ahaan khilafyada ka dhashay dhinaca biyaha, waxanay sido kale in badan u suurto galin inay iyaga oo isku duuban soo af jaraan khilaafyadas muddada dheer so jitamaayey, iyo inay si isku mid ah u qayb sadaan khayraadka biyaha ee mandaqada bariga dhexe ay hodanka ku tahay.

Haddi xaalku sidan sii ahaado, maxa laga filan kara inay khilaafyadani ku keni karaan xidhidhka dalalka madaqadda?

La soco qaybaha dambe in sha allah.

WABILLAH TAWFIIQ.

W/Q : Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Tix-raax.

War, peace and international relations (Colin S. Gray)

Water conflicts in the Middle East between the present and the future (Dr Ghasan)

Water: Couse for conflict or co- operation? ( Irna vander Molen and Antoinette Hilderin)

Addis Ababa, Ethiopia.

COMMENTS
LINKS