|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaafkii Haamaha Shiidaalka oo sii Cakirmay, Xukuumadda oo Guddi Maamusha Samaysay, Maareeyaha Haamaha oo ku Gacansaydhay iyo Wasiiro ka Hadlay
October 14, 2015 - Written by Editor:Maareeyaha Haamaha oo ka hor yimi wareegto wasiirka ganacsigu shalay ku magacaabay guddi maamusha Haamaha Berbera(Wajaalenews) wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxay khilaafkii Haamaha Shiidaalka ka taagnaa ayaa sheegaya in ay arrintu sii cakirantay, kadib markii wasiirka Ganacsigu shalay magacaabay inay wada maamulaan haamaha Shiidaalka laba Shirkadoo oo ka wakiil noqonaya shirkadaha lagu wareejinayo Haamaha, Maamulaha Kastamka Berbera iyo Maareeyaha Haamaha Shiidaalku. Magacaabista wasiirka ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu Maareeyaha Haamaha Berbera Sheekh Saleebaan in uu ka biyo diiday, isla markaana uu wasiirka ka codsaday in uu xilka ka qaado, isagoo u sheegay inaanay wada maamuli Karin Haamaha Afar Maareeye sida laga soo xigtay. Diidmada Maareeyaha Haamaha ayaa la sheegay inay cirka ku shareertay khilaafkii hore loogu diidanaa nidaamka Haamaha loo wareejinayo, waxaana la sheegay inay wasiiraddu arrintan cusub kulan ka galeen shalay galab, hase yeeshee lama hayo natiijo ka soo baxday. Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, wasiirka ganacsiga Dr Muuse Qaasim, wasiir kuxigeenka warshadaha iyo wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha oo maalmihii u dambeeyay magaalada Berbera u joogay dejinta shaqaaqo ka dhalatay dareenka bulshadu ka qabto wareejinta haamaha Shidaalka ayaa shir jaraa’id oo ay Berbera ku qabteen ku sheegay in arrimahaasi si fiican loo soo afjaray. Tan iyo markii xukumaddu bilawday qorshaha shirkaddah shidaalka soo dejiya loogu wareejinayo haamaha shidaalka Berbera waxaa magaalada Berbera laga dareemayay sida bulshadu uga soo horjeedo waxaana xabsiga la dhigay wariyeyaal iyo odayaal, waxaana la xasuustaa sidii wasiir xigeennada warshadaha iyo xannaanada xoolaha loogu foodhyay Salaadii ciidal Adxa, iyadoo sidoo kalena degaanka Sheekh koox arrintaasi ka dhacaysani hub la gashay. “ Hawshii dhinaca ammaanka eenu u nimid iyo af garan waagii yaraa ee gobolka ka dhacay , Illaahay ayaan uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noogu dhammaatay, mar labaad ka waxaan u mahadcelinaynaa odayaashii, salaadiintii, cuqaashii, iyo waxgaradkii sida quruxda badan arrintaas noogala shaqeeyay, dhalinyaradii cadhootay sidii ay u qanciyeen. Arrintiina meel wanaagsan oo qiimo badan ayay ku soo noqotay. Waa dhaqanka ay bulshada Somaliland ku dhaanto bulshada inteeda kale inaynu wax walba ku xallino is qancin iyo wada hadal iyo inaynu arrinta xagga wanaagsan ka eegno,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland. Wasiir kuxigeenka wasaaradda warshadaha Somaliland ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu sheegay in dhalinyaradii ka cadhootay wareejinta Haamaha arrintooda la xaliyay “Arrinku aad umuu balaadhnayn laakiin, niman dhalinyaro ah oo xogaa wax yara tabanayay oo meel leexsan oo wadada ah joogay arrintoodu way soo gabogabowday, si qurux badan leh oo afgarad leh oo odayaashu gacan nagu siiyeen,” ayuu yidhi wasiir xigeenku Wasiir kuxigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland ayaa isna sheegay in arrinta dhinaca ammaanka ah ee soo afjarantay ay uga mahadcelinayaan waxgaradka iyo odayaasha Saaxil iyo sidoo kale madaxda heer gobol ee Saaxil.
WAJAALENEWS DESK
Related posts:Liiska murashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee ka qayb gelaya doorashada madaxtinim... DAAWO;Cabdi Good Oo Kabaha La Dulmaray Heesta Cabdi Hani Ee "Caashaq" Iyo Fasiraadii Isir Raaca... DAAWO; Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Lala Yeeshay Prof Ibraahim Meecaad Iyo Arimaha Uu Kaga Ha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|