Isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Balaadhan ku Iftiimiyay Sida ay u Arkaan Xalka Kulmiye +Maxayse ka Yidhaah Deen Dhacdadii Ciimada Loogu Dalbaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Oo Munaasibad Balaadhan ku Iftiimiyay Sida ay u Arkaan Xalka Kulmiye +Maxayse ka Yidhaah Deen Dhacdadii Ciimada Loogu Dalbaday.
October 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) – Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Hotel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye.

isbahaysiga 1 isbahaysiga 2

Kulanka waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro iyo wasiir xigeenno tiradoodu soddomeeyo tahay, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano tira badan, siyaasiyiin badan koodu hore xukumadda xilal uga soo qabteen, salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo cuqaal.

Isbahaysigu wuxuu guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ku eedeeyay inay xisbiga iska maamulanayaan iyagoo ah musharaxiin, islamarkaana ay maroorsadeen tabaabushaha shirka golaha dhexe. waxay ku doodeen in madaxweynaha lala sugo xalka muranka taagan, ama  la magacaabo guddi dhexdhexaad u ah musharaxiinta.

Ugu horayn munaasibada qadada ah waxaa ka hadlay guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle “Waxaa maanta sharaf ii ah inaan la hadlayo waxgaradkii, nin garabeedkii, labeentii Somaliland, xisbiga Kulmiye golihiisii dhexe intii badnayd, golihii fulinta, wasiiro, xildhibaanno, iyadoonay degaan ahayn oo aanay beel ahayn ee ay tahay madal Somaliland isku aragtay oo ay ku bahowday oo taageerayaasha Kulmiye si awood leh oo laxaad leh ay kaga soo qayb galaan iyagoo taageeraya musharaxiintoo kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe,” ayuu yidhi Mr Talyanle.

Xildhibaan Talyanle waxa uu sheegay in markii ay maqleen in golaha dhexe laga diwaangalinayo xarunta xisbiga ay Madaxweyne xigeenka kulan la qaateen saddexda Musharax ee kala ah Maxamed  Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, oo ay weheliyaan guddoomiye xigeenka labaad Xildhibaan Waabeeye iyo saddexaad ee Kulmiye Xildhibaan Talyanle, islamarkaana uu u balanqaaday inuu wax ka qabanayo arrimaha ay diidan yihiin, balse xilligii balantu gaadhay uu madaxweyne xigeenku u sheegay in sida guddoomiyaha Kulmiye u qorsheeyay aan waxba laga bedelayn.

“Waxaa jirtay in xalay madaxweyne xigeenku soo hadlay oo noo yeedhay, oo nagu yidhi subaxnimada Sabtida ha ii yimaadaan saddexda musharax iyo labadayaga guddoomiye xigeenno, waxaanu isla eegnay arrintaas waxaanuna isla garanay inaanu u tagno. Balankii oo aanu halkaas dhignay ayaa xalay waxay ciidamada RRU-du waxay ku gudeen oo guluf galiyeen hotelkii aanu qadada maanta ka balaminay oo Maansoor ahaa. Ciidankii hotelka joogay waa la qaaday, waa lala wareegay oo meeshii argagax baa laga abuuray. Waa markii u horaysay ee dawladda Somaliland ee xisbiga Kulmiye golihiisa wasiirada, goleyaasha qaranka oo dawladda oo isku duubani ay isku adeegsato RRU. Waa wax aad iyo aad loola yaabo oo aan hore u dhicin. Markii intaasi dhacday ninkii Hotelka lahaa ee ganacsadaha ahaa wuu dano sheegtay oo wuxuu yidhi haddii aanay xukumaddii iyo xisbigiinii is waafaqsanayn meesha dad caddaan ah baa jooga, waxaana madashan inoogu deeqay Cali Cumar Guuleed,” ayuu yidhi Xildhibaan Talyanle.

Waxa uu intaasi raaciyay in markii ay madaxweyne xigeenka saaka u tageen uu ku amray inaanay qaban Karin kulankooda maanta,balse arrintaasi ay ku gacan saydheen maadaama shirar badan hore loo qabtay maantana madaxweyne xigeenku leeyahay munaasibad qado sharaf ah.

Cabdikariin Xinif, agaasimaha maamulka xisaabaadka ee komishanka la dagaalka AID-ka, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaanu guddoomiyaha Kulmiye awood u lahayn qabashada iyo qabanqaabinta shirka golaha dhexe. Waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, wuxuuna meesha ka saaray in jaamac Shabeel yahay guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qodobada ay doonayaan in wax laga qabto “Madaxweynaha qaranka ee cid waliba dugsanayso waa inuu magacaabo guddi qabanqaabo oo lagu wada qanco. Madaxweynuhu cid lagu kalsoon yahay ha noo magacaabo, anagu taas ayaanu ogolahay.  Qodobka kale ee khilaafku ka taagan yahay waxa weeye golaha dhexe. Guddidaas dhexdhexaadka ah ayaa  qabanaysa qodobada la isku hayo;  kow hubinta  xubnaha golaha dhexe ma yihiin kuwii jiray. Laba samaynta kaadhadhka. Saddex bedelaada jagooyinka bannaaday,” ayuu yidhi Mr Xinif

Cabdikariin Xinif wuxuu soo bandhigay afar qodob oo garabkoodu u arkaan xalka khilaafka Kulmiye waxayna kala yihiin:-

“Talo soo jeedintayada waxay tahay oo aanu xal u aragnaa afartan qodob:

  1. In la joojiyo hawlaha imika sida khaldan u socda ee cid gaari si gaar ah u maamulanayso ee la xidhiidha shirka een la isla ogolayn; sida kaadhadh samaynta iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday ee aan la isla ogolayn, xal baanu aragnaa garna waanu u aragnaa.
  2. In la helo guddi dhexdhexaad ah oo hawlaha shirka golaha dhexe maamusha;
  3. In la abuuro jawi keeni kara kalsooni iyo niyadsami lagu tartamo, taas oo ay ka dhalanayso in musharaxa si xalaal ah ugu guulaysta lagu hambalyeeyo laguna gacan qaado, kadibna loogu midoobo sidii soo saaristiisa loo fulin lahaa;
  4. In laga fogaado in la isku colaadsado fikirka iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha ee musharaxiinta dhexdooda iyo xubnaha kale ee golaha waa la isku colaadsaday oo waa taas saakaba Baybayada la isku adeegsadaye, yaan la isku colaadsan artida xisbiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Mr Xinif.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS