|
|||||
WAJAALE NEWS
Ingiriiska oo Xaqiijiyey Inuu Mawqif Rasmi ah ka Soo Saari Doono Xaaladaha Siyaasadeed Ee ka Soo Cusboonaaday Somaliland.
October 27, 2015 - Written by Editor:“Xukuumada Ingiriisku Mawqif Rasmi ah Ayey ka Soo Saari Doontaa, Laakiin Waxaan rejaynayaa inaan….” Ms. Lizzie Lovett’ Addis Ababa, (Wajaalenews)- Masuul u hadlay Safaarada Ingiriiska ee Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa shaacisay in Xukuumaddoodu hadal cad ku sheegi doonaan mawqifkooda ku waajahan is-beddellada illaa shalay ka dhacayey Somaliland. Ms. Lizzie Lovet, ayaa sheegtay inay rejaynayso inaan xaaladda ka taagan Somaliland saamayn ku yeelan ammaanka iyo xasilloonida jirta. Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey Safaaradda Ingiriiska ee dalka Itoobiya oo qaabbilsan iskaashiga iyo xidhiidhka ay la wadaagaan Somaliland is-beddellada cusub iyo saamaynta ay ku yeelan karaan doorashooyinka la saadaalinayo, ayaa Ms. Lizzie Lovett oo u qaabbilsan Safaaradda Ingiriiska xidhiidhka ay la wadaagaan Somaliland sheegtay in Xukuumadda Ingiriisku qoraal rasmi ah ka soo saari doonto, waxaanay tidhi; “Xukuumadda Ingiriisku mawqif rasmi ah ayey ka soo saari doontaa. Laakiin, waxaan rejaynayaa inaan xaaladdani saamayn ku yeelaan nabadda iyo xasilloonida ka jirta Somaliland.” Xaaladaha ka soo cusboonaaday illaa shalay dalka Somaliland, ayaa la sheegaya inay si dhaw indhaha ugu hayaan waddamadda dunida ee danaha ka leh Somaliland, gaar ahaanna, waddamada ka taageera dhinacyada nidaamka geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, isla markaana si weyn u quud-darraynayaan in dariiqa saxda ah xalkeeda lagu raadin. XIGASHO WARGAYSKA HIMILO COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|