|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda World Vision Oo Magacii ay Somaliland Kaga Hawl-geli Jirtay Ku Beddeshay Mid Kale Oo Meel-ka-dhac Ku Ah Qaddiyadda Qarankani Ku Dhisan Yahay.
October 7, 2015 - Written by Editor:“Waxa La Midayn Doonaa Xafiisyada Garoowe iyo Hargeysa, Waxaana 50% la Dhimi Doonaa Shaqaalaheeda Somaliland, Iyada Oo al-ku-dhegga Ay Hargeysa Kaga Hawl-geli Doontaana Noqon Doono….” Hargeysa (Wajaalenews)-Hay’adda World Vision oo kamid ah Hay’adaha Ajaanibka ah ee ka Hawlgala Somaliland, ayaa ku dhaqaaqday tallaabo dhabar-jab ku ah Qaran-nimada iyo Goonni isu-taagga Somaliland, kaas oo meesha lagaga saarayo Dawladnimada iyo Madax-bannaanida Qaranka. World Vision oo muddo Labaatan sano ku siman kasoo shaqaynaysay Somaliland, ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku midaynayso Xafiisyadeeda ay haatan ku leedahay Magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, isla-markaana loogu guurayo hal xafiis, kaas oo magaciisana laga dhigi doono Nothern Somalia. Qorshahan oo faahfaahintiisa iyo xogtiisaba aanu ka helay Kulan ballaadhan oo madaxda Hay’addu ku qabteen Hutel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana halkaas lagu soo bandhigay in Shaqaalaha Hay’adda eek u sugan Xafiisyadeeda ku kala yaalla Somaliland iyo Puntland oo markii hore kala madax bannaanaa haatan wixii ka dambeeya la midayn doono, hal xafiisna laga wada maamuli doono, iyadoo magaca Hawlgalkanina noqon doono Northern Somalia.world vision logo. Sidoo kale waxa Kulankaas lagu soo bandhigay in Qorshaha cusub ee Madaxda Hay’addu ku midaynayaan Xafiisyadooda Somaliland iyo Puntland ay ku sal gooyeen Maamul-goboleedyada ka jira Somalia oo muddooyinkii ugu dambeeyey sii badanayey balse aanay Somaliland kamid ahayn, isla-markaana ka madax bannaanayd. Sida Ilo Xog-ogaal ahi Wargeyska Hubaal u xaqiijiyeen, waxa qorshahani sidoo kale meesha lagaga saarayaa ugu yaraan 160-shaqaale ah oo haatan ka Hawlgala Somaliland, kuwaas oo dhammaantood ah muwaadiniin u dhalatay Somaliland iyadoo dhammaanba Boosaskaas ay hayaanna ay si toos ah ugula tartami doonaan shaqaale shaqaalaha Hay’adaas eek a hawlgala Deegaanada Puntland, iyadoo Boos kasta ay ku tartami doonaan Laba shaqaale oo ka kala hawlgala Puntland iyo Somaliland, isla-markaana mid kamid ahi imtixaanka kusoo bixi doono, halka ka kalena laga tegi doono, sida madaxda Hay’addu sheegeen. Xogaha aanu hayno ayaa sheegaya in Hay’addu arrintaas ay ku sababaysay Mashaariicdii ay Deegaanadaas ka wadi jireen oo yaraaday, isla-markaana loo baahday in shaqaalaha si weyn loo dhimo. Balse waxa xusid mudan inaan marnaba lagu dhawaaqin sababka kalliftay in Magaca Qorshaha Hayaddaasi Somaliland iyo Puntland haatan wixii ka dambeeya loo bixiyo Northern Somalia, isla-markaana meesha lagaga saaray Somaliland oo ah qaran madax bannaan. Toddobaadyada Soo Socda, ayaa Hay’addan u qorshaysan inay Bilowdo Imtixaanada Boosaska shaqaalaha kasoo kala jeeda Somaliland iyo Puntland, waxana xubnaha imtixaankaas kusoo baxa ay ka hawlgeli doonaan Deegaanada ay Haatanba Hay’addu ka hawlgasho, waxa la wadaagi doonaa Magaca Northern Somalia. Hay’adda Word Vision, ayaa ka Shaqaysa Arrimaha Bani’aadanimada, waxana mashaariicda ay bixiso mafaafacaad kooban ku qabay Muwaadiniin jilicsan oo ku dhaqan Geyiga Somaliland, balse haatan bahdilkan lagu sameeyey magacii Somaliland, ayaa u muuqda mid loo kasay, isla-markaana aan wax xidhiidh ah masuuliyiinta Hay’addani aanay kala samaynin Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradaha ku shaqada leh. Wasaaradaha Qoryshaynta Qaranka iyo Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada oo arrimahani khuseeyaan oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino, ayaanay noo suurtogelin, kadib markii Masuuliyiinta wasaaradahaasi ay ka jawaabi waayeen Telefoonadoodii. World Vision oo ah hay’ad Xambaarsan Mabda’a Diinta Kiristaanka, ayaa Horraantii bishii October ee Sanadkii 2012-kii, ayey ahayd markii Shaqo ay Hay’addani Somaliland uga Baahatay shuruud uga dhigtay inuu noqdo mid aan haysan Diinta Islaamka, taas oo keentay inay Bulshadu si weyn arrintaas uga gilgilato. Related posts:Kal-fadhigii 17-aad Ee Golaha Wasiirada Somaliland oo Lagu Gorfeeyey Arrimo La Xidhiidha Amniga, Arr... Daawo:“Reer Booramoow Anigu Jabhadbaan Kaligay Ku Jiray Oo aan Madaxwayne Ku Xigeen Ku Noqday Waliga... Madaxdhaqameedka Somaliland Oo War Kasoo Saaray Dagaalkii Shalay Ee Gobolka Sool Iyo Sida Loogu Mido... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|