Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka Oo Abaabulaya Dacwado Uu ku Oogo Wasiiraddii is-casilay.iyo Wasaaradaha Xafiisyadoodii uu Galalafay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka Oo Abaabulaya Dacwado Uu ku Oogo Wasiiraddii is-casilay.iyo Wasaaradaha Xafiisyadoodii uu Galalafay
October 29, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Hanti-dhawraha guud ee Somaliland ayaa wada dhawr dacwadood oo la soo amray, kuwaas oo ay xukuumaddu doonayso in uu ku furro wasiiraddii dhawaan iska casilay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Warar hordhac ah oo Waaheen heshay ayaa sheegaya in uu Hanti-dhawraha guud dhawr xafiis oo ay ka mid yihiin kuwa Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif, Maxamed Biixi Yoonis wasiirkii hore ee arrimaha Dibeda iyo Wasiirka Madaxtooyadda galay isla markaana ka soo qaatay qoraalo la doonayo in kiis looga dhigo.

Baadhitaanka hant-dhawruhu wado ayaa la sheegay in uu saaka xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka la tagay, si uu ugala qayb qaato samaynta Eedaha la doonayo in loo sameeyo siyaasiyiintaasi, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan in ay xeer ilaalintu ka gaabsatay dhex galka arrintan.

Hant-dhawraha guud ayay xukuumaddu dhaq dhaqaajisaa markasta oo masuul xil u hayey oo soo bandhigo ceebaheeda, si ay ugu cabsi galiso inay xidhayso, hase yeeshee ma jiraan wax Eed ah oo ay soo bandhigto muddo kadib, sida dhawr masuul oo hore ku soo dhacday.

COMMENTS
LINKS