Hanfiga khilaafka kulmiye Oo lafilayo Inuu Banaanka Usoo Saaro Halaqyo Badan oo halis ku ah Murashaxnimada Muuse Biixi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanfiga khilaafka kulmiye Oo lafilayo Inuu Banaanka Usoo Saaro Halaqyo Badan oo halis ku ah Murashaxnimada Muuse Biixi.
October 31, 2015 - Written by Editor:

Xisbiga Kulmiye oo kamid ah xisbiyada  ugu faca wayn axsaabtii soomaray wadanka tan iyo qaadashadii nidaamka xisbiyo badan, waa xaqiiq in uu ahaa xisbiga ugu nidaamka iyo abaabulka wanaagsan inkasta oo uu kasoo gudbay xisbigu marxalado badan oo qaarkood adkaayeen.

Hadana xisbiga ayaa haatan galay mar xaladii ugu adkayd kana aloosan yahay khilaaf mug leh oo kala irdheeyay masuuliyiin badan oo mudo badan isku Aragti ahaa xeedhana wax kuwada cuni jiray.

Hanfigan khilaafka xisbigu keenay ayaa durba leefay masuuliyiin badan oo xukuumada,xisbiga iyo kan wadankaba guud  ahaan saamayn iyo miisaanba kulahaa oo ay kamid tahay is casilaadan irmaanka noqotay ee ay iska casileen xukuumada raxan wasiiro ah maalmahan u danbeeyayna is casilayeen kuwo kale sida ay wax u socdaana suura gal tahay in ay is casilaan qaar kale oo katirsan xukuumada.

Khilaafkan kala hormeeyay masuuliyiinta ayaa salka ku haya xubnaha u taagan musharaxa madaxweyne ee xisbiga shanta sano ee soo socda kaas  oo xisbiga u kala qaybshay laba garab halisna ku ah in xisbiga jiritaankiisu wiiqmo.

 

Si kastaba ha ahaatee karkan xisbiga ka jira ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa saadaalinyaan in mar ahaan masuuliyiin badan oo halaq ku ah siyaasada ay xaraaradaasi dibada usoo saari doonto taasi oo suuragal ka dhigi karta in ay la saftaan axsaabta mucaaradka ah ka xisbi ahaana wiiqi karta awoodii xisbiga Kulmiye ku lahaa dalka.

Iyadoo la saadaalinayo in ay dhamaan xubnahaasi khatar ku yihiin murashaxnimada gudoomiye muuse biixi oo isagu ah xundunta khilaafka xisbiga kala irdheeyay taasi oo u horseedi karta in aan mar danbe xisbiga kulmiye talada dalka kusoo noqon.

Qakinkii  Aqoonyahan Xasan cali Aadan

COMMENTS
LINKS