Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Oo La Diiday In Wax Shidaal Ah Laga Qaado | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Oo La Diiday In Wax Shidaal Ah Laga Qaado
October 25, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)  Booyadaha shidaalka ka qaada Kaydka haamaha shidaalka Berbera ayaa saaka hakad la galiyay kadib markii uu soo baxay muran ku saabsan cashuur qaadista. Amarka joojinta in wax shidaal ah laga dhaamiyo haamaha ayaa ka dambeeyay markii shirkaddaha Shidaalku bixin waayeen Cashuurta.

booyaha

Lacagtii Cashuurta Kastamka wasaaradda Maaliyadda oo shirkaddaha Shidaalku   horey ugu shubi jireen,khasnada, Akoon xisabeedka Wasaarada Maaliyadu ay ku leedahay Baanka Berbera ayaan la shubin.

Boqolaal booyadaha shidaalka u kala qaada suuqyada shidaalka ee gobolada dalka ayaa isku soo gaadhay haamaha, kuwaasi oo hoganaya kaydka dushiisa.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada shirkaddaha dhawaan la wareeegay gacan ku haynta Haamaha shidaalka Berbera iyo dhinaca maaliyadda, balse xogaha hor dhaca ah ayaa sheegaya in shirkadduhu ku doodeen hore looga shubay lacagta hadda laga doonayo.

Haamaha Berbera waxaa ku dhawaad laba todobaad gacanta ku hayay shirkaddaha xukumaddu ku wareejisay, waxaana durba soo baxaya muranka xukumadda iyo shirkaddaha iyo sidoo kale Haamo shidaalka sii daayay oo aan war rasmi ahi ka soo bixin sababta.

 

COMMENTS
LINKS