Gudoomiyihii Hore Ee Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Magacaabistii Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Qodobada Uu U Cuskaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Hore Ee Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Magacaabistii Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Qodobada Uu U Cuskaday.
October 2, 2015 - Written by Editor:

Wax Awood ah Oo Uu Wax Kaga Badalo Go,aanka Golaha Guuritada Malaha Muuse Biixi .”Gudoomiyihii Hore”

GABILEY(Wajaalenews) Gudoomiyhii hore Ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka gabiley Xasan Sheekh Muxumed Warsame ayaa War Sixaafadeed Uu Soo Saaray Oo Nuqul Kamidihi Soo Gaadhay SHABAKADA WARARKA EE WAJAALENEWS Wuxu ku Daadifeeyay Magacaabis  Iyo Isku badal uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi dhawaan  Kusameeyay Gudoomiyayaasha xisbiga ee gobolada qaarkamida, Qoraalkan gudoomiyihii hore uu soo saaray ayaa Wuxuna Udhignaa Sidan,

XASAN SH MUXUMED

KU: GUDOOMIYAHA GOLAHA DHEXE

OG: MADAXWEYNHA  SOMALILAND

Anigoo ah gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka gabiley waxaan  halkan ku cadaynayaa

In sharciyada ay baalmarsan tahay magacaabista Muuse Biixi  ku sameeyey gudoomiyaha gobolka gabiley

Waxaan u sheegayaa dhamaan xubnaha xisbiga  ee heer qaran in fiiro loo yeesho tallaabooyinka gudoomiyaha ee ku dhisan qof jeclaysiga ka hor imanaya  dastuurka xisbiga kulmiye

hadii ay ka mid tahay  isbadelkan inuu samayn karaa awoodihiisa gudoomiyanimo waa kan DASTUURKA XISBIGA :

 

Qodobka 24aad:Awooda gudoomiyaha xisbiga

B-Waa gudoomiyaha gudida fulinta

T:wuxuu magacaabaa xoghayayaasha gudida fulinta lacag-hayaha iyo xisaabiyaha xisbiga

J-ISAGOO KA TILMAAN QAADANAYA GO,AANADA SHIRWEYNAHA,KUWA GOLAHA DHEXE IYO KUWA GUDDIDA FULINTA wuxuu jiheeyaa  hawlaha xisbiga

x-wuxuu masuul ka yahay hantida xisbiga.                   .                                                                                                                                          KH:wuxuu awood u leeyahay  magacaabista iyo xil ka qaadista shaqaalaha xarunta dhexe

Majirto in aan ku sifoobaya  qodobka 31aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye

Qodobka 31aad:banaanaanshaha jagada golaha dhexe iyo buuxinteeda

1.jagada golaha dhexe waxay ku banaannaan kartaa

B:ay xubintu geeriyootay

T:uu xubinta ku yimaado xanuun keenay inuu xilka gudan kari waayey

J:xubinta oo istiqaalad bixisa goluhuna ka ogolaado                                                           X:ay xubintu xabsi u  gasho xukun ciqaabeed kama danbays ah oo maxkamad awood u lihi ku riday

Guddmiye Muuse waxa uu baal marsan yahay ujeedooyinka xisbiga ee ku qeexan qodobka 5aad

Qodobka 5aad:Ujeedooyinka xisbiga                                   faqrada: 3aad oo ah sameyta mujtamaca ku dhisan sinaan,cadaalad.wadatashi

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa in ay Guurtidu tahay Sharciyada ugu saraysa dalka oo muddo kordhin u smayasay xukuumadan

Waxaanay soo afjartay markii murankii muuse waxaana golaha guurtidu Ansixyey xubnaha golaha dhexe ee sharciga ah.

Wax awood ah oo uu wax kaga badalo go,aanka golaha guuritada malaha Muuse Biixi .

 

Alaa   mahad leh

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Gabiley

 

Xasan SH.Muxumed Warsame

COMMENTS
LINKS