GUDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY WAXA UU YEELAYO HADII LAGAGA GUULAYSTO SHIRWAYNAHA GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUDOOMIYE MUUSE BIIXI OO KA HADLAY WAXA UU YEELAYO HADII LAGAGA GUULAYSTO SHIRWAYNAHA GOLAHA DHEXE EE XISBIGA KULMIYE.
October 12, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews) Hadhimo Sharafeed lagu taageerayo Musharaxnimada Madaxwayne ee Guddomiyaha  Xisbiga Kulmiye Md; Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta lagu qabtay Caasimada Hargaysa  .

Xafladan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Masuulyiinta u saraysa Xisbiga KULMIYE ,Cuqaal Iyo Dadwayne tiro badan.

MUUSE IYO MAXAMUUD XAASHI

Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye oo madashaasi ka hadlay ayaa halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayo loolanka u dhaxeeya kaadiriinta Xisbiga kulmiye ,mustaqbalka xisbiga iyo jidka uga furan hadii ay golaha dhexe ee xisbigu ku qanci waayaan hankiisa waxaanu yidhi isagoo arrimhaasi ka hadlaya “Xisbiga kulmiye  odaygiis ayaan ahay ,wadadii uu qaaday hogaamiyeheenii hore (Madaxwayne Siilaanyo)ayaynu qaadaynaa,in xisbiga laysku hayo lagana ilaaliyo wixii duul duula  inuu tartanku hufnaado oo waxwalba ka horaysiino xisbinimada ,waa inaynu ku fakarnaa inuu Xisbiga kulmiye jiro sida axsaabta dunida boqolaal sano oo jiilba jiil u badalo ,xisbiga kulmiye mustaqbal buu leeyahay ”.

Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE  ayaa ka sii dardaar waliyay inay golaha dhexe ee xisbigu reebaan waxaanu yidhi “Hadii Golaha dhexe ee xisbigu yidhaahdaan sanadkan iska joog ,hadii ay i doortaan ,hadii ay i yidhaahdaan cid ku wareeji iyo hadii ay iyidhaahdaan iskaba fadhi ,waxa igu waajiba inan ilaaliyo sharciyada xisbigana isku hayo aqbalana go’aan kasta “.ayuu yidhi Muuse Biixi Guddomiayaha Xisbiga Kulmiye

 

COMMENTS
LINKS