|
|||||
WAJAALE NEWS
Golihii Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo U Kala Soocmay Beel-Beel Iyo Jahawreerka Ku Habsaday Taageerayaashii Xisbiga Xilli Gudoomiye Yaashii Xisbiguna Ay Fagaarayaasha Warbaahinta Ka Yoo-Yootamayaan.
October 17, 2015 - Written by Wariye:Tan iyo markii la aasaasay xisbika talada dalka haya ee kulmiye waxa muuqatay in qaab dhismeedka xisbigaasi uu ku salaysnaa nidaaam beeleed khilaafsan hanaanka dimoqraadiga ee xisbiyadu ku dhisanyihiin. hogaanka xisbiga kulmiye ayaa ahaa mid aan loo sinayn oo qaydhinka lagu qaybsaday oo cid gaar ah gacanta uga jiray kaas oo aan xataa ahayn awood qaybsi dheellitiran. Haddaba waxa muddooyinkan danbe isisoo tarayay fadeexado hor leh oo midiba mid kaa darantahay; sanadkii tegay waxa uu xisbiga kulmiye qabsaday wax uu ku sheegay shirweynihii xisbiga laakiin umaddaa reer Somaliland ku tilmaameen shir beeleed casri ah oo shaadh xisbi la huwiyay sababtu tahay waxa uu xisbiga kulmiye la gola yimi arrin ugub ku ah hanaanka dimoqraadiga ee xisbiyada badan taas oo ah in ergada shirweynaha ka qaybgalaysa lagu soo xulay nidaam beeleedkii laga guuray . Hanaanka dimoqraadiga ee xisbiyada badan ayaa dhigaya in ergada shirka lagu saleeyo gobol-gobol. Waxa maanta umadda reer Somaliland fajac iyo amakaag ku riday hab dhaqanka silloon ee ka soo ifbaxay xisbiga kulmiye oo haatan uu golihiisii dhexe u kala soocmaay beel-beel iyo habar- habar. Tan intii la muddeeyay shirka golaha dhexe ee xisbiga, waxa tartan ka dhex bilowday xubno ka mid ah golaha dhexe oo u taagan jagada musharraxa xisbiga ee usoo bixi doonan tartanka madaxweyne nimo; haddaba waxa xubnahaasi ku tallaabsadeen arrin qaran-jab ku ah Somaliland oo u horseedi karta tartan beeleed iyo is muujin qabiil oo sharci noqota taas oo cawaaqibkeedu galaafan doono qaranimada Somaliland. Xisbiga kulmiye waxa uu soo kordhiyay maanta in xubnihiisa golaha dhexe ay si badheedh ah warbaahinta uga hadlaan oo ku dhawaaqaan haddaanu nahay xubnaha golaha dhexe ugu jira beel heblaayo waxaanu taageernay musharrax hebel. Waxaa kaloo la yaab ah in musharrax dhan oo xisbi qaran ka sharraxan uu marba odayaal qabiil metelaya uu hotel geeyo oo yidhaahdo I taageera. Waxa ka sii daran guddidii fulinta ee xisbiga kulmiye oo ay ka midyihiin guddoomiyeyaal ay warbaahinta iska caayayaan oo isaga hanjabayaan oo isga dharanayaan. Maanta umadda reer Somaliland way aragtaa fashilaadda la soo daristay xisbigii kulmiye mana muuqto wax lagu aamini karo. Somaliland maanta uma baahna in dib loo celiyo oo la soo nooleeyo awooddii qabiilka iyo abaabulkii beelaha ee waxay u baahantay cid la timaadda aragti cusub uu ku salaysan mabaadii’ xisbi wadaniyad dhab ah oo qaranka aaminsan. Hogaamiyaha maanta hankiisa ku doonaya nidaam beeleed iyo awood qabiil berri haddii uu talada dalka ku guulaysto ma dhisi karaa qaran tisqaad ah. Ugu danbayn waxaan odhan lahaa xubnaha isku haysta musharaxnimada xisbiga kulmiye isma dhaantaane iska jooga hogaanka xisbigana cid kale ku wareejiya mar haddii hankiinii dhaafi waayay qabiil iyo habar- habar. Umadda reer Somaliland waxaan u sheegi lahaa in ay sammir iyo iimaan ka qaataan xisbigiii kulmiye oo loo sadqeeyay qaabiil islmarkaana ay ka tabaabuushaystaan hagardaamooyinka ka soo fuli kara burburka xisbiga kulmiye. By: Cabdixakiim Muuse Cali Related posts:“Muuse Biixi Ma Rumaysan Yahay In Uu Reer Gabiley Yahay, Marka Laga Reebo Abtirsiinta” Prof Meecaad. DAAWO; Documentry Laga Diyaariyay 26 June 1960- Siday Ku Timid Xornimadu Wax Ka Ogow Taariikhda Ku ... "Madaxweyne Muuse Biixi Waa Shaqsi Mar Walba Jecel Garnaqsiga iyo In Aan Laga Gar Helin, Hadii Wax W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|