Golaha Ammaanka Oo Ka Wada Hadlaya Xiisadda Falastiiniyiinta iyo Israel | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Ammaanka Oo Ka Wada Hadlaya Xiisadda Falastiiniyiinta iyo Israel
October 16, 2015 - Written by Editor:

Qasa(Wajaalenews)- Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa yeelanaya kulan gaar ah oo lagu lafo guro xiisadda ka dhex  taagan Falastiiniyiinta iyo Israel, taasi oo labadii todobaad ee la soo dhaafay keentay dhimashada 39 qof.

Kulankan  ayaa ka yimid xubinta golaha ugu jirta wadanka Jordan, waxaana qayb ka ah xoghayaha guud ee UN-ta oo sharaxaad ka bixin doona xiisada labada dhinac u dhexeysaa halkay salka ku hayso.

falastiin 2

Kulankan ayaa yimid kadib markii Israel ciidamo soo dhoobtay xuduudka Qaza, halkaasi oo maamulka Falastiin u qoondeeyay bannaan bax balaadhan in halkaasi laga dhigo. Waxay Falastiiniyiintu si xooggan u diidan yihiin talaabada Israel ragga dadoodu ka yar tahay 40 sanno jir ugu diiday inay ku tukadaan masjidka Al-aqsa.

Xogo laga helay Diblamaasiyiin ayaa iftiimiyay inaanu jirin qaraar golaha ammaanku qorsheeyay oo arrintan laga soo saaray balse, waxa la sheegay in la soo saari doono bayaan labada dhinac lagu farayo inay xakameeyaan xiisadda taagan.

 

Muddaharaadyada Falastiiniyiintu kaga soo horjeedo xaddidaada Israel soo saartay waxaa isku dhacyo ciidamada Israel iyo shacabka Falastiin ku dhintay dad tiro badan. Waxaa la dilay 35 Falastiiniyiin ah,kuwaasi oo qaarkood lagu eedeeyay inay Israeliyiin weerarayeen, kuwo shacab aan hubaysnayn ah iyo sidoo kale 7 Israel u dhashay.

 

COMMENTS
LINKS