Go,aan La,aanta Madaxwayne Siiraanyo Oo Jaho Wareer Siyaasadeed Dalka Galisay Iyo Wasiiradii Ugu Miisaanka Cuslaa Uguna Tirada Badnaa Oo Iska Casiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go,aan La,aanta Madaxwayne Siiraanyo Oo Jaho Wareer Siyaasadeed Dalka Galisay Iyo Wasiiradii Ugu Miisaanka Cuslaa Uguna Tirada Badnaa Oo Iska Casiley.
October 26, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Tan iyo Maalintii la Cayiymay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka dhex bilaabmay Hirdankii ugu adkaa iyadoo Maalmahan u danbeeyay ay kala qaybsanaanta Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta ka hawlgasha Qasriga Madaxtooyada ay ahayd mid sida Dayax Shan iyo Tobnaadka ah u Muuqata Balse Maanta oo Taariikhdu tahay 26/10/2015 ayaa loo Aqoonsanayaa Maalintii ugu Darayd ee soo marta iyadoo ay Iscasileen Wasiiradii ugu Miisaanka Cuslaa  Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ka dib markii La sheegay in Madaxwayne Siiraanyo Ujanjeedhsamay  dhinaca garabka  Garabka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaana Tobaneeye Wasiir iyo Wasiir ku xigeeno iskugu jira Iscasileen  halka lafilyo in ay wasiiro,agasimyaal guud iyo tiro kale oo maareeyayaalana la sugayo.

wasiiro

 

1: Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan

2: Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maxamad Biixi Yoonis

3: Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud C/rasaaq Khaliif Axmed

4: Wasiirka Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada DR Cabdi Aw Daahir

5: Wasiirka Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid

6: Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Shaqada Arimaha Bulshada

7: Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Dib u Dajinta Nimco Xuseen Qawdhan

8: Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Deegaanka

9: AFhayeenka Madaxwaynaha Axmed Saleebaan Dhuxul

10;Wasiirku xigenka wasaarada Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa,iq

Iscasilaada Wasiiradan iyo Masuuliyiinta Qasriga Madaxtooyada Awooda Baaxada wayn ku lahaa ayaa la filayaa in ay Gilgil iyo Jahawareer Siyaasadeed ku keento Hogaaminta  Madaxwayne Siiraanyo ee Qaranka S/LAND

Dhanka kale iscasilaadan ayaa noqonaysa xukuumadii ugu horaysay ee ay wada socan kari wayaan waxaana la saadaalinayaa in talada dalka uu la wareego gudoomiyaha golaha guurtida saleebaan Aadan  oo awooda dal uu siinayo distoorku mar hadii ay fashilanto xukuumadu amaba ay ku yimaadaan xaalad.

 

COMMENTS
LINKS