FINANKA MAQAARKA KASOO BAXA;Qalinkii Sh. Jaabir | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FINANKA MAQAARKA KASOO BAXA;Qalinkii Sh. Jaabir
October 31, 2015 - Written by Editor:

Noocyada kala duwan ee finanka kasoo baxa maqaarka sare ee jidhku waxay mid waliba kasoo jeedaan xanuuno iyo cilado gaar ah oo iyaguna aad u kala duwan, waxaana lagu tilmaamaa finankaasi kuwo calaamad u ah cilad kale oo caafimaad darro oo jirta.

Waxaynu maanta qormadeenan caafimaad kusoo qaadanaynaa warbixin guud oo ku saabsan finanka maqaarka sare kasoo baxa.

Hadii aynu si guud u xusno finankan waxaa dhaqaatiirtu sheegaan inay ku badan yihiin caruurta dhalatay ilaa inta aanay qaan gaadhin 70%.

Sababta oo loo aaneeyay jidhkoodan sare oo xiligan u nugul aafooyinka dabiiciga ah, isla markaana aanay lahayn caruurtu nadaafad ay iskood ugu dadaalayaan si ay iskaga dhawraan wixii aan ku habboonayn jidhkoodan sare, sidaa darteedbaana dhaqaatiirtu waalidka ugu waaniyaan inay caruurtooda ka ilaashaan wasikhda had iyo jeerna ay si joogto ah ula socdaan nadaafadooda.

Caafimaadka jidhkan sare ee ilmuhu waxa uu si toos ah ugu xidhan yahay nadaafada ilmuhu kolba sida ay u daryeelan tahay ama u dayacan tahay, waxaana aad arkaysaa in xanuunada ugu badan ee maqaarka sare ku dhaca ee caruutu yahay finan noocyo badan leh, isla markaana ilmoba ilmaha uu ka daryeel fiican yahay xaga nadaafada uu ka cuduro iyo finan yaryahay.

Deegaanka uu qofku ku noolyahay ee ka bilaabanta gurigiisa ilaa xaafadiisa ilaa magaaladiisa, waxa ay ku kala duwan yihiin deegaanadu kolba sida ay uga fog yihiin nadaafad xumo ama ay uga dhawran yihiin qashin qub iyo wax la mid ah.

Intaas hadii aynu kaga baxno sida ay nadaafadu u tahay halbawle wayn oo lagu daryeelo xanuunada ku dhaca maqaarka guud ahaan khaasatan caruurta, waxa aynu raacin karaa sida ay iyadna muhiim u tahay ogaanshaha sababta hadii ay jiraan finan kasoo baxay jidhkan sare ee qofka, taas xalkeedu waxa ay noqonaysaa baadhitaan dhaqtar oo la tuso balse waxa jira wax aad adigu marka hore qabsan karto iyo talaabooyin aad qaadi karto, hadii aan tusaale kuusoo qaado masalan waxaaba aad ugaan kartaa inay bal finankan jihiin xasaasiyad uu jidhku diiday wax, sida ay dhaqaatiirta qaar bukaankooda u sheegaan waxay yidhaahdaan waxbaa jidhkaagu diidayaaye soo baadh, ama kiniinkaas anti allergic qaado, taasi waa wax ay is yidhaahdeen xalbaa ku iman kara inkastoo ay tahay dariiq caafimaadka loo maro kan ugu xun waayo qofku hadii uu maamusho talaabooyinka uu qaadayo ee caafimaadkiisa ku wajahan wuxuu samayn karaa mishkilad ka wayn tii uu ka cabanayay sida dadka macaanka qaba ee joojiyay dhamaan macaankii ay u baahnaayeen ee taasna ka kasbaday mishkilad kale balse aan isticmaalin qiyaasta dhaqtarku u fasaxay ee macaanka ama qadhaadh is yidhi kusaara ee intay taas aamineen qadhaadhku cilado kale ku keenay, waayo qadhaadh oo la badsadaa ma dawayso macaanka.

Ogolaanshaha xadidan ee loo baahanyahay waa in uu qofku u fiirsado waxaa uu ka qaadayo xasaasiyad isla markaana u horseedaya xanuunka,waana tan keentay in dhaqtarku ku dhiirado inuu qofka faro isbaadhis dhexdiisa ah ilaa maantana aan lagaga bixin cilada basle lagu mashquul san yaahy wali runtiina u baahan u kuurgal iyo iskaashi dhaqtarka iyo qofka ah si loogu turaanturoodo sababta,tusaale ahaan hadii aad adiga ama caruutaadu isticmaashaan dhar huu dhaydh ah waa inaad ogaato yay ku habboonyihiin cimiladee wadankee qofkee xiligee, runtii waxaad arkaysaa inay yihiin dharkii barafka balse aanay ahayn dhar loogu talo galay dhul hela cadeed toos ah oo kulul, markaa hadii shay qurux badan aad soo gadato ama caruurtaada u xidho oo ay cuncun sameeyaan waa mushkilad waxaana la arkaa iyagoo waalidiintu leh funaanad buu ku xajiimooday oo wakaa ilmahaasi bararaya ama finanku kasoo yaaceen.

Waxaa la ogyahay maanta in difaaca sare ee jidhka aadamuhu yahay kan ugu balaadhan xaga adkaysiga ee noolaha oo dhan isla markaana uu u dulqaato aafooyinka adkaysi aadna u leehay wax badan, waxaanu jidhkan sare ee maqaarku leeyahay dabeecad kolba isgedida oo uu kula qabsado shayada kala gedisan ee marba mid lagu isticmaalayo waxaana hadii nidaamkaasi xumaado adkaata sida loogusoo celiyo si dhib yar waxaana la arkaa isagoo jidhku yeeshay finan aan tagayn oo kolba soo baxaya iyadoo wali aan la garan sababta, cilad kastaana waxay leedahay gun dhigaal ay kasoo jeedo sidaa darteedbaa tusaalaha aan kuusoo qaaday ay tahay in kahortagu ka fiican yahay daawaynta oo inta aanad cilada dib ka baadhin ee aan laguugu dirin homework ay kuu fiicantahay inaad marka hore indho u yeelato.

Geedka tiinka ah ee sida xun ugu baahaya wadankeena khaastan magaalooyinkeena waxa uu u baahan yahay in dhaqso wax looga qabto dhibaatada badan ee uu ku hayo caruurteena idhahooda iyo jidhkooda labadaba sidoo kale nafteena.

Nadaafada caruurta oo si joogto ah loo ilaasho oo la dhawro farahooda iyo cidiyahooda si aanay fin kaliya oo soo baxay ugu faafin jidhkooda iyadna waa muhiim.

Meelaha biyo fadhiisinka ah ee roobku dhigay xaafadaha dhexdooda iyagana waxaa inooga yimaada waxyeelooyin hadimo u leh maqaarka sare ee cid walba markaa waa in lala tacaalo iyagana.

Xanuunada aan caadiga ahayn ee ku dhaca qof jidhkiis waxay qaar kamid ahi kasoo jeedaan il iyo cawri qofka ku dhacday balse marka hore waa in dhaqaatiirtu faraha ka taagaan cilada oo la arko inay ka baxsan yihiin xayn daabkii finanka la yiqiinay.

Wada isticmaalka dharka ayaa iyagana buunbuuniya wixii finan ah ee qof qabo kuwaas oo u gudbi kara qof ilaa qof .

Dharka uu ilmahaagu xidho goglado huwado oo aad noocooda aqoonsato inay ku habboon yihiin iyo in kale ayaa ku caawin karta, sidoo kale degaanka uu ilmahaagu ku nool yahay ee aad kusii daysay ayaa la mid ah oo raba inuu ka madhnaado aafooyin ku lidi ah caafimaadka .

Xanuuno kale oo qofka haya ayaa iyaguna keena calaamado ay finan iyo cuncun maqaarka sare ah ay kamid yihiin oo iyagana u baahan shaybaadho caafimaad oo qoto dheer isla markaana doonaya la kulan dhaqtar oo joogto ah.

Shaqooyinka adag ee kasoo hor jeeda isla markaana aan ku habboonayn jidhka sare waxay u baahan yihiin in loo isticmaalo qalabkooda runta ah ee loogu talo galay sida shaqada ranjiga sibidhka iyo qalabka dhismaha qaar ama ku baabuurta ee u badan birta oo lagu buufiyo maadooyin sun ah ama ay laba socdaanba si aanay kuwaasi markaa u keenin xanuuno ku dhaca jidhkan sare waa inaad foojigooda yeelato marka aad dhex galayso hadii kale waxaa kugu dhici xanuuno soo bixi kara sanado badan kadib.

Waxaan kusoo khatimayaa in daryeelka maqaar sare ee jidhku doonayo in si joogto ah looga shaqeeyo isla markaana uu u baahan yahay mawduuc dheer balse wax faahfaahin ah oo aan ka sheegnay nooca ay finankaasi yihiin waan ka gaabsaday si aanay shaki u keenin si aanu qof kasta oo fin yari kasoo baxay ula carcarin waxaanse si guud u xusnay finan gaara oo ku badan kuwa caruuta fara badnida ay waqtigan jiraan awgeed waxana aan rajanayaa in allaah inoo shaafiyo cidkastoo bukta aamiin aamiin .

Sh.jabir herbalist

COMMENTS
LINKS