Filashada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI, Baqaha Guddoomiye Cirro Iyo Badheedhaha Jidhif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Filashada Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI, Baqaha Guddoomiye Cirro Iyo Badheedhaha Jidhif.
October 2, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Ka dib markii uu Xisbi Xaakimka KULMIYE  badhtamihii bishii hore ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomayo Shirka Golaha dhexe Xisbiga ayaa mudadii intaasi ka dambasyay waxaa shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan Caasimadda Hargeysa is waydiinayeen, goorta Xisbiga WADDANI isna badheedhihiisa dhiiban doono.


cirro iyo jidhif 33

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Xubnaha Xisbiga WADDANI ayaa hadana waxa la filayaa inuu dhowaan Xisbigani ku dhawaaqi doono Xilliga uu qabsoomaya Shirwaynaha Golaha dhexe ee Xisbiga.

Sida ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun daloola Xisbiga WADDANI ay Wargayska Somalilanddtoday u xaqiijiyeen,  ayaa waxa la filaya in ka dib marka lagu kala baxo  Shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE uu Xisbigu cayimo wakhtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee Xisbiga.

Geesta kale Jagada Musharraxa Madaxwayne ee Xisbigaas oo sida muuqata uu xoraystay Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inay waji kale yeelato, waxaana la sheegay inay jiraan siyaasiyiin kale oo miisaan ku leh Xisbiga WADDANI ay u hanqal taagaayan =, waxaana ay ilo-wareedyo lagu kalsoonayahy sheegen in Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose uu hadda hayay khatarta ugu wayn ee hortaalla Guddoomiyaha WADDANI, kaasoo dhawr jeer sheegay inuu hankiisu yahay Kursiga ugu Sarreeya dalka.

Sidoo kale Musharraxa Madaxwayne kuxigeen ayaa ah jagada labaad ee la filayo in sida wayn loogu dagaalamo, taasoo la aaminsan yahay inay ku tartami doonaan Siyaasin dhawr ah oo ka soo jeeda Gobolka AWDAL oo uu ka mid yahay Axmed Muumin Seed.

Ma Jiro Siyaasi hore u shaaciyey inuu u taagan yahay jagada Tartanka Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI marka laga reebo Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka Maxamed Cabdillaahi Jidhif oo isagu wakhti hore ku dhawaaqay inuu Guddoomiye Cirro kula tartamayo Musharraxa Madaxwayne ee Xisbiga WADDANI.

 

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday.

COMMENTS
LINKS