Fadeexada ka Dhalatay Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Golaha Xukumada Siilanyo Oo Madaxwynaha Hortiisa Isku Faro Saaray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexada ka Dhalatay Laba Wasiir Oo Ka Tirsan Golaha Xukumada Siilanyo Oo Madaxwynaha Hortiisa Isku Faro Saaray.
October 23, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa-(Wajaalenews)-Laba wasiir oo Qurbajooga oo isku Beel ka soo jeeda oo ka tirsan Golaha xukumada Siilanyo ayaa sida ilo wareedyo xogogaal ahi u xaqiijyeen warbaahinta  isku faro saaray ama Dagaal gacan ka hadal ahi ku dhexmaray Qasrig Madaxtooyada gudihiisa.

kayse-iyo cadaani

Labadan wasiir oo sida xogguhu sheegayaan dhawr feedh iyo laad isweydaarsadey ayaa markiiba la kala jiiday iyagoon midkoodna jugo iyo dhaawac muuqda toona gaadhin.

Labadan xubnood ee ka tirsan Golaha Xukumada Siilanyo ee ku dagaalamay Madaxtooyada gudaheeda oo ka soo jeeda beesha Galbeedka Burco (Habar-yoonis) ayaa kala ah wasiiru dawlaha maaliyada Cismaan Cabdillaahi Saxaradiid (Cadaani) oo taageersan ama ka tirsan garabka Kulmiye ee Muuse Biixi Hogaamiyo iyo Wasiir-xigeenka Arimaha Debeda Axmed Adan Ismaaciil-kayse-Guray oo ka tirsan garabka Kulmiye ee Maxamed Biixi Yoonis hogaamiyo.

Labadan xubnood oo aan midkoodna taageero buuran ka haysan Beesha ama Ardaagu ka soo jeedo ayaa haddana qiiro Geed-sare-waaba iyo Taageero Waraaba-u-taaga isla jiidhay oo isku feedhay.

Dhanka kale arintan ayaa noqotay fadeexad wayn oo dul hogonaysa maamulka madaxwayne siilaanyo oo xiligan wasiiradiisii marayaa in gacmaha iskula tagaan halka markii hore ay warbaahinta isku marin yaan wixii kasoo go,a maskaxdooda

COMMENTS
LINKS