Dowladda Soomaaliya Ee Muqdisho Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimihii Talafishanka Universal iyo Wariye Cawil + Dareenada ku Xeeran, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya Ee Muqdisho Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimihii Talafishanka Universal iyo Wariye Cawil + Dareenada ku Xeeran,
October 3, 2015 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews)-Dowllada koonfurta Soomaaliya, ee fadhigeedu yahay

Magaalada Muqdisho, ayaa Xabsiga u taxaabtey Agaasimhii Talafishanka

Universal Cabdilaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Daahir Salaad oo

ka howlgala inta badan Koonfurta Soomaaliya iyo London,waxaana

taxaabistani timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

siweyn u dhibsadey Barnaamijka Dood-Wadaag oo lagu lafa gurayay

Siyaasada xiligan ee Siyaasada Madaxweyne,Xasan Sheekh-Maxamuud taas

oo ay faaqidaad badan ku qaadaa dhigeen laba Xildhibaan oo kamid ah

Baarlamaanka Soomaaliya.

Xadhigan Dowllada Soomaaliya Xabsiga ugu taxaabtey Agaasimhii

Talafishanka Universal ee Koonfurta Soomaaliya, iyo Wariye Cawil,ayaa

ahaa mid qaflad ah oo Maamulka Talafishanka Universal ee Muqdisho ugub

ku ahaa islamarkaana, ay hogaaminayeen Ciidamada Nabad Sugida ee

baadhista Sirta culus,waxaana albaabada loogu laabay guud ahaanba

Xafiiska iyo Istuudiyaha Tvgu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo Dowllada Koonfurta Soomaaliya ee fadhigeedu

yahay Muqdisho, ay talaabo noocan ah ka qaado qeybaha Warbaahinta

iyadoo awal hore uu jirey in tuhuno ay Warbaahinta Koonfurtu ka qabtey

in Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud laf ahaanteedu ula tacaasho

Wariyayaasha ay dhibsadaan nidaamka dilalka qarsoodiga ah oo xiligan

Madaxweyne Xasan Sheekh dareenkeedu taagnaa laakiin Talafishanka

Universal, ayaa isagu kamid ahaa Warbaahinta sida dhexdhexaadka ah ula

shaqeeya Maamulka Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho waxa ay daboolka ka

qaadeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si culus uga damqadey

Barnaamijka Dood Wadaag oo Arbacadii 30/9aad ka baxay Talafishanka ay

u dheerayd dareenka uu ka qaatey labada Xildhibaan ee ku naqdiyay

Barnaamijkaasi oo ku qaadaa dhigay arimo xasaasi ah islamarkaana,

daaha ka feyday halka ay taalo boogta Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh

Maxamuud, oo inta badan lagu xanto faragalinta Qaramada Midoobay iyo

Dowladaha Reer Galbeedku,in ay saameyn taban iyo mid toganba ku

yeesheen, ragaadinta nidaam dowalaeed oo laga hirgaliyo Soomaaliya,

taas, oo daba jiideysa in aan halkaa laga dhaqaaqin,  sidaa

daraadeedna cadhada ugu badan arimaha dhaliyay ay qeyb ka ahaayeen

labada Mudane ee Doodan faaqidey oo kamid ah Xubnaha Xildhibaanada ah

ee Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh ku suntanaa diirkana

kaga qaadey dhaliilaha ugu badan ee Maamulkiisa guud yaala iyo

goljilicda Madaxweynaha sidaana Xabsiga loogu taxaabay Maamulka Tvga

iyo Wariyahaasi.

Gabagabadii lama garanayo mudada uu qaadan doono Xadhigani iyo

xayiraada lagu soo rogay Istuudiyaha Talafishanka Universal ee

Muqdisho haseyeeshee, marka dib loo raaco jariimadihii Dowladda laf

ahaanteedu ku beegsan jirtey Warbaahinta waxey u muuqataa Talaabo ka

badelan nidaamkii hore inkastoo, Talafishankani door weyn ka ahaa

Kaabista Xukuumada Fedrraalka Koonfurta Soomaaliya.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Email:hiiraan2007@gmail.com

COMMENTS
LINKS