Diyaarad Ruushku leeyahay oo siday 224 Qof oo ku Burburtay Dalka Masar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Ruushku leeyahay oo siday 224 Qof oo ku Burburtay Dalka Masar.
October 31, 2015 - Written by Editor:

Qaahira (Wajaalenews)-Diyaarad  Ruushku leeyahay oo siday 224 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Sinai ee dalka Masar.

Diyaaradda, ayaa ka soo kacday Sharm El sheikh waxayna ku socotay St. Petersburg.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in burburka diyaaradda laga helay bartamaha Sinai, waxaana goobta loo diray 50 gawaadhidda gurmad deg degga.

Inta badan rakaabka waxa ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashay Ruushka, rakaabka diyaarada saarna ayaan cidna ka badbaadin oo ku nafwaayay diyaaradan burburtay.

Dawlada ruushka oo wakhti hore oo maanta ah ka hadashay  diyaaradan ayaa sheegtay in la waayay mid ka mida diyaaradaha rakaabka qaada iyadoo markii dambe xaqiiqsatay in diyaarada dalka Masar ku dhacday ay tahay diyaaradii Ruushku la’aa.

Waxaan illaa hadda si rasmi ah loo oggeyn sababta keentay  keenaya shilka diyaarada dhacday balse saraakiisha dalka Masar ayaa sheegay in diyaaradaasi aan la soo ridin

COMMENTS
LINKS