Dhawaan Gacanta Ayaan ku Dhigi Doonnaa Suldaan Wabar Nolol Ama Geeri, Somalilandna Waxaannu ku War-gelinnay Inay Xadkooda Adkeeyaan; Safiirka Itoobiya Maj Gen. Berhe Tesfaye. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhawaan Gacanta Ayaan ku Dhigi Doonnaa Suldaan Wabar Nolol Ama Geeri, Somalilandna Waxaannu ku War-gelinnay Inay Xadkooda Adkeeyaan; Safiirka Itoobiya Maj Gen. Berhe Tesfaye.
October 11, 2015 - Written by Editor:

“Dhawaana gacanta ayaan ku dhigi doonnaa Suldaan Wabar nolol ama Geeri, Somalilandna waxaannu ku war-gelinnay inay Xadkooda adkeeyaan haddii uu soo tallaabo si ay….”  Safiirka Itoobiya ee Somaliland Maj Gen. Berhe Tesfaye – Wareysi Gaar Ah

“Xuduudda qarka xiga Itoobiya dadkayga ugu badan ee ii doortay ayaa deggan oo waan joogi karaa, cidda igu qabsata inaan ka tagaana waa cid gardaran… Shalay (doraad) Shirqool fool xun oo na loogu talo galay in la nagu waxyeeleeyo Illaahay mahadii waanu ka badbaadnay..” Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar

Jigjiga  (Wajaalenews)- Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Hoggaamiye-Koox Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar, ayaa ka hadlay hawlgallada Malleeshiyada Wabar toddobaadkii hore ka fuliyeen gudaha magaalada Boorama oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyey iyo joogitaanka gudaha Itoobiya ee Kooxda Wabar, Hawlgallo Ciidammada Federaalka Itoobiya ku qabqabteen xubno ka tirsan La-taliyeyaasha Suldaankaas, Ciidammada Somaliland oo gudaha uga galay Itoobiya iyo qodobbo kale.

Ciidammada Federaalka Itoobiya, ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen lix Xubnood oo Kaaliyeyaal u ahaa Suldaan Abiibbakar Cilmi Wabar, ka dib weerar ay ku qaadeen deegaan u dhaw Xuduudka dalkaasi la leeyahay Somaliland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland Maj Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in Ciidammada Federaalka Itoobiya Mustaqbalka dhaw soo afjari doonaan xasillooni-darrada Malleeshiyaadka Suldaan Wabar ku wiiqayaan xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Berhe Tesfaye oo xalay uu wax ka weydiiyey Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani tallaabo Xukuumadda Itoobiya u qaadday wax ka qabashada xasillooni-darro Malleeshiyaadka Suldaan Wabar oo gabbood ka dhigta gudaha dalkiisa, isla markaana xadka ka soo tallaaba oo gudaha Somaliland weerarro ka geysta, ayaa sheegay inay ka go’an tahay soo afjarida weerarrada iyo rabshadaha kooxdaas, dhawaanna gacanta ku dhigi doonaan nolol ama geeri Suldaan Wabar.

“Xukuumadda Itoobiya way ka go’an tahay inay soo afjaraan falalka Malleeshiyaadkaasi ka geystaan gudaha Somaliland, dhawaanna gacanta ayaannu ku dhigi doonnaa Suldaan Wabar nolol ama Geeri.” Sidaa yidhi Mr. Tesfaye, oo ka jawaabayey su’aasha aannu ka weydiinnay Malleeshiyada dalkeeda kaga soo duulaya Somaliland.

Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa uu sheegay in hawlgal Ciidanka Itoobiya sameeyey ku qabqabtay La-taliyeyaashii Wabar qaarkood, isagana raadinayaan, waxaanu yidhi; “Shalay Ciidammada Itoobiya waxay gacanta ku dhigeen lix Xubnood oo La-taliyeyaal u ahaa Suldaan Wabar, hubkii ay wateen iyo laba Gaadhi, oo dhammaantood loo gudbiyey Jeelka Jigjiga, ninkii Madaxda u ahaana Wabar, wuu baxsaday. Laakiin, hawlgalka Ciidammaduna illaa ay gacanta ku soo dhigaan ma joogsan doonaan.”

Safiirka Itoobiya u qaabbilsan Somaliland Mr. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay inay la socodsiiyeen Madaxda Somaliland hawlgalkooda ka dhanka ah Malleeshiyaadka Wabar, waxaanu yidhi; “Waan la socodsiinnay Madaxda Ammaanka Somaliland hawlgalka Ciidammada Itoobiya ku baadi-goobayaan Malleeshiyaadka Suldaan Wabar iyo inay heegan Xuduudkooda ka galaan si hadduu dhinaca Somaliland u soo baxsado ay u la dagaallamaan.”

Geesta kale, Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo isaguna shalay Muuqaal Fiidhyoow ah, ayaa sheegay inuu ku sugan yahay gudaha Somaliland, isla markaana amar ka soo baxay dawladda Itoobiya uu kaga soo baxay  Ciidda Itoobiya, hasa-yeeshee xilliga uu doono ku noqon karo. “Shalay (doraad) Shirqool fool xun oo na loogu talo galay in la nagu waxyeeleeyo Illaahay mahadii waanu ka badbaadnay. Shirqoolladuna meeshii siyaasadi ka jirto ama talo la isku hayaa ka jirto way ka dhacaan, in laga digtoonaado oo laga tashado uun baa muhiim ah. Waannu ka badbaadnay ee sidaa Ogaada.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Wabar.

Waxa uu Hoggaamiye-kooxeed Wabar sheegay inuu ku sugan yahay gudaha dalka Somaliland, waxaanu yidhi; “Xuduudda qarka xiga Itoobiya  dadkayga ugu badan ee ii doortay ayaa deggan oo waan joogi karaa, cidda igu qabsata inaan ka tagaana waa cid gardaran. Laakiin amar khaldan oo dawlad weynta Itoobiya aan ka soo fulin ayaa shalay (doraad) qaybo ka soo fulay, waanu qaadanay amarkii xuduudana waanu dhaafnay oo qaybta kale (Somaliland) ee la iga doortay ayaanu tagnay. Illaahay mahaddii maalinta aan doonana waan ku noqon karaa Itoobiya, sidaasi awgeed, nimankii moodayay inaan ka maqnaan karo Itoobiya ama la iga kaxayn karo way arki doonaan anigoo jooga. Haddaan magaalooyinka Itoobiya degana illaa Addis Ababa ayaan mari karaa oo aan degi karaa dadkaygu wuu degan yahay.” ayuu yidhi Wabar.

Suldaan Wabar waxa uu baaq iyo qaylo-dhaan u dirsaday beesha Caalamka gaar ahaan dawladda federaalka Itoobiya, waxaanu yidhi; “Waxaan u sheegayaa adduunyada gaar ahaan dawladda sharafta leh ee federaalka Itoobiya oo aanu Xuduud dheer leenahay, jaar wanaagna aanu nahay, kuna caan baxday ka shaqeynta nabadgalyada Afrika gurmad baanu ka doonaynaa.”

Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar, waxa uu si gaar ah uga hadlay warar uu sheegay in Badhasaabka Awdal kaga dardaar-wariyey noloshiisa, waxaanu yidhi; “Ninkii la odhan jiray Ramaax wuxuu ku dhaantaynayey Suldaan Wabar waanu dilnay, waanu ka takhalusnay, anigu waxaan dhex joogaa Shacabkayga oo Borama ayaan goortaan doono iman karaa. Dadka Borama lagu xidhxidhay kama mid ah ururka Aare (kooxda Wabar) ee waa dad shacab ah, dadkaana kuma jiro nin dembi gaar ah lagu hayo. Laakiin, waxa Xabsiyada loogu taxaabay inay Hayb ahaan ii dhow yihiin ama inay daacad u yihiin Wabar, markaa lama sii haysan karo oo anaga ayaa yeelayna farsamo kasta oo lagu soo deyn karo. Waxaan codsanayaa in siideynta dadkaa gardarada lagu xidhay ay ka hawl-galaan Shacabka inta badan ay ka soo jeedo (Xukuumadda Somaliland), si aanay inoogu sii ballaadhan xumaanta shacabku.

Hase-yeeshee, Xukuumadda Somaliland, ayaa iyaduna ka hadashay arrimahan, waxaanu Wasiirka arrimah gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Sabtidii shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa dawladda Itoobiya ka raalli-geliyey Ciidanka Somaliland oo uu xusay inay ka tallaabeen Xadka oo ay gudaha Itoobiya galeen, iyagoo baacsanaya Malleeshiyada Suldaan Wabar sida uu sheegay ee weeraray Guriga Badhasaabka gobolka Awdal ee Boorama oo ay ku dileen Habeenkii Salaasada laba Askari, laba kalena ku dhaawaceen, arrintaas oo dad badan loo xidh-xidhay ayuu sheegay Waran-cadde inuu ballan-qaadayo baadhitaan ka dib in ciddii bilaa dembi noqota xorriyaddooda loo celin doono.

“Waxaan cudur-daar ama raalli-gelin ka bixinayaa Ciidammada ammaanka Somaliland oo iyaga oo eryanaya Gacan ku dhiiglayaasha iskala tallaabay Xuduudka Itoobiya, iyaga oo ku guuleystay oo soo qabtay Gacan-ku-dhiiglayaashaas. Arrintaana waxaan doonayaa inaan uga Mahad-naqo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dawladda Federaalka sida aynu uga wada shaqeyno wixii dhibaato ah ee ka dhaca xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Mahad gaar ah waxaan u celinayaa Madaxwaynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar oo aad iyo aad isugu taxalujiya in Xuduudku noqdo mid ka caagan fidma wadayaasha, dembiilayaasha iyo argagixiso intaba.” Sidaa ayuu yidhi Cali Waran-cadde.

Wasiir Waran-cadde oo tallaabooyinka Wabar ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Arrinta (Wabar) waxaa ka dambeeya dad caqli gaaban oo cadaw adeegsanayo,  ha ugu horreeyaan kuwii aynu ka go’nay ee Soomaaliya oo aanu ognahay inay dabada ka riixayaan iyaga oo doonaya in Somalilnd la mid noqoto Soomaaliya oo ay dab ku shidayaan Bulshadooda, Waxaan leeyahay dalka Somaliland ummadiisu way midaysan yihiin ciddii isku dayda inay khalkhal galiso nabadgalyadooda dhexda ayay Farta ka qaniini doonaan” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin hanjabaad ah u diray kooxda Suldaan Wabar “Inta yar ee ka hadhay dadka fidmada wada ee la qabtey waxaan u sheegayaa inay u wanaagsan tahay inay isku dhiibaan Ciidammada amniga Somaliland inta aanay naftooda halis gelinin.”

Tallaabada Tesfaye sheegay, ayaa timi saddex habeen ka dib markii ay Malleeshiyada Suldaan Wabar Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal ee magaalada Boorama Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), halkaasoo ay ku dileen laba Askari, laba kalena ku dhaawaceen, iyaguna ku baxsadeen, inkastoo habeenkii dambe Taliyaha Boolisku sheegay inay qabteen shan ka tirsanaa Kooxda weerarka soo qaadday oo Guri ku dhuumanaya, midkoodna dhaawac yahay oo hubaysan, iska-caabbin ay Booliska kala hor-yimaaddeen ka dibna lagu guulaystay in gacanta lagu dhigay oo ay Sharciga horgeyn doonaan.

Inkasta oo aanay dawladda Itoobiya hore tallaabooyinkii ku habboonaa dhaqdhaqaaqa Malleeshiyada Suldaan Wabar uga qaadan, haddana waxa la filayaa haddii lagaga dhabeeyo hawlgalkan Safiirku sheeggay inay Ciidanka Itoobiya wadayaan illaa nolol iyo geeri midkood lagu qabanayo Suldaan Wabar oo Somaliland ka soo horjeedaa ay soo afjari doontaa xasaradda Malleeshiyaadkiisu ka soo abaabulaan gudaha dalka Itoobiya ee ka dhanka ah nabadgelyada iyo degganaanshaha Somaliland, gaar ahaan deegaannada gobolka Awdal oo ay Xadka gobolkaasi Itoobiya la wadaago kaga soo tallaabaan, horena weerarro iyo afduubyo Baabuur ay kula tallaabeen uga geysteen gobolkaas.

 

XIGASHO; Himilomedia.com

COMMENTS
LINKS