DEGDEG.. Aqoonyahan Cabdiqaadir Dayib Askar Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Madaxtooyadda JSL | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DEGDEG.. Aqoonyahan Cabdiqaadir Dayib Askar Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Madaxtooyadda JSL
October 27, 2015 - Written by Wariye:

DEGDEG.. Aqoonyahan Cabdiqaadir Dayib Askar Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Madaxtooyadda JSL.. Hargeysa (wajaalenews)- Warar lagu kalsoon yahay oo ay mardhawayd ay heshay Shabakadda wararka ee WAJAALENEWS, ayaa noo xaqiijiyey in Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliland loo magacaabayo aqoonyahan Cabdiqaadir Dayib Askar, oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah oo ka soo jeeda gobolka Gebiley.

Aqoonyahan Cabdiqaadir wuxu muddo badan ka hawl-gelayey hay’adaha caalamiga ah iy kuwa maxaliga ah, labadaba. Wuxu xilal warbaahineed oo sare ka soo qabtay hay’adaha Oxfam GB, Health Poverty Action(HPA), World Peace Initiative iyo Machadka Horizon. Sidoo kalena haatan waa barre jaamacadeed.

Askar wuxu haystaa shahaadada jaamacadeed ee derajada labaad, waxaanu ku daraaseeyey aqoonta Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Diblumaasiyada (MA in International Relations and Diplomacy), kanna qaatay qaatay jaamacadda Cavendish University. Shahaadadiisii koowaadna wuxu ku qaatay Maareynta hay’adaha Dawligga ah (Public Administration) ee jaamacadda Kampala International University ee dalka Yugaandha. Sidoo kale, wuxu ka mid ahaa ardaydii ka qalin-jebisay Barashadda Nabadda iyo Xallinta Ismaan-dhaafka (Postgraduate diploma in Peace and Conflict Studies) ee Jaamacadda Hargeysa.

Sida wararku sheegayaan haddii magacaabidan ay soo baxdo, ayaa waxa lagu wadaa in is-bedal weyn oo togan uu aqoonyahanku ku soo kordhin doono waaxda warbaahinta ee Madaxtooyada JSL.

Wixii warar ah ee arrintaa ka soo baxa kala soco wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS