Dawlada Itoobiya oo Xabsiga ku Gurtay Maleeshiyadii Suldaan Wabar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya oo Xabsiga ku Gurtay Maleeshiyadii Suldaan Wabar
October 10, 2015 - Written by Editor:

Kooxdaasi ayaa waxa laga qabtay Magaalada Aw barre waxaana loo dhaadhiciyey Xabsiga

Borama (Wajaalenews) Ciidamada Waddanka Itoobiya gaar ahaan  kuwa Kililka Shanaad ayaa Magaalada Aw bare ka qabqabtay Xubno ka mid ah Kooxda Suldan Wabar oo ay dabbo gal ku waddeen.

KOOXDA WABAR

Warar xogogaal ah oo naga soo gadhaya Magaalada Aw barre ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan itoobiya ay kooxdaasi ku weeraren duleedka magaaladasi isla markaana Jeelka u taxaaben.

Xukumada Somaliland ayaa weerarkii lagu qaaday Badhasaabka Awdal ee ay ku dhinteen labbada Askari ku eedeysay Kooxda Suldan Wabar oo ay sheegen in uu ku sugan yahay dhanka itoobiya.

Tan iyo markii werarkaasi dhacay ayaa labada dawladood ka wadda xidhiidheen sidii ay talaabo wadda jir ah looga qaadi lahaa kooxda Suldan Wabar, waxanay taalabada Ciidamada itoobiya qaadeen ku soo qabqabteen Xubno ka tirsan kooxdaasi, illaa hada ma cad in dawlada Itoobiya ay Somaliland ku soo wareejindoonto madama oo Somaliland danbi ay ka gallen.

Dawlada Somaliland iyo itoobiya ayaa bishii hore heshiis ku kala saxeexday Magaalada Diridhaba, heshiiskasi oo saldhigiisu ahaa sidii labada dal ay iska kaashan lahayeen adkaynta nabbadgelayda.

 

COMMENTS
LINKS