Dacwad Xukuumada Jabuuti ka Gudbisay Ganacsade Boore oo Daaha Ka Qaaday Musuqmaasuqa Madaxweyne Ismaaciil C. Geele. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dacwad Xukuumada Jabuuti ka Gudbisay Ganacsade Boore oo Daaha Ka Qaaday Musuqmaasuqa Madaxweyne Ismaaciil C. Geele.
October 31, 2015 - Written by Editor:

London, -(Wajaalenews)- Maxkamad ku taal magaalada London ee waddanka Britain, ayaa dhegeysatay eedo Musuqmaasuq Garyaqaanno metelayey Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo Xukuumadda Jabuuti Dacwaynaysay u soo jeediyeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

geele

Eedo kiisas gaadhaya 16 oo hore XukuumaDda Jabuuti ugu soo oogeen Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa xilligan la sheegayaa inay beenoobeen 11 ka mid ah, balse u muuqata mid isku beddelaysa eedeynta Madaxweyne Geelle.

Richard Waller, oo ka mid ah Garyaqaannada difaacaya Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa sheegay inay hayaan caddeymo muujinaya kiisas musuqmaasuq oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sameeyey, waxaanu yidhi; “Eedaha aannu haynaa, hadal keliya maaha, balse waxaan u haynaa caddeymahoodii.”

Maxkamadda qaadaysa Dacwadda u dhexeysa Xukuumadda Jabuuti iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore, ayaa hore u dhegeysatay eedaymo sheegaya in Madaxweyne Geelle ka dhistay magaalada Paris Guri qiimahiisu gaadhayo €2.24 million (Milyan), xilli Mushaharkiisu bishii yahay  $5,000.“Halkuu Garsoore, Madaxweyne Musharkiisu kooban yahay, ka keenay iibsashada Gurri qiimahiisu yahay €2.24 magaalada Paris?” ayuu yidhi Garyaqaanka dawladda u doodayaa.

Garyaqaannada u doodaya Ganacsade Boore ayaa Maxkamadda u sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo iibsiga Guriga Paris, waxaanu yidhi; “Garyaqaannada difaacaya Boore waxay soo bandhigayaan eedaymo baahsan, oo u baahan in la hubiyo.”

Maxkamadda magaalada London ee Dacwaddan Gacanta ku haysa, ayaa la filayaa inay dhegeysato eedaha Ganacsade Cabdiraxmaan Boore u jeedinayo Xukuumadda Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo hore u diiday inuu yimaaddo ama tego fadhiga Maxkamadda si uu jawaabo uga bixiyo eedaha loo jeediyey.

XIGASHO ;HIMILO

COMMENTS
LINKS