DAAWO;Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Iyo Ganacsiga Oo Maanta Hargaysa Lagu soo Dhaweeyay Muxuuse Ka Yidhi Khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo Wasiiradii Iscasilay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Iyo Ganacsiga Oo Maanta Hargaysa Lagu soo Dhaweeyay Muxuuse Ka Yidhi Khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo Wasiiradii Iscasilay.
October 30, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa (Wajaalenews)-Xubno ka tirsan Xisbiga KULMIYE iyo qaar ka mid ah Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO,ayaa maanta Madaarka Hargaysa si weyn ugu soo dhaweeyay wasiirkii hore ee wasaaraddaha arrimaha dibadda iyo ganacsiga,kaas oo in muddo ah dalka ka maqnaa,haddana ka hawl-gala Qaramadda Midoobay,una qaabilsan geeska afrika.

Maxamed Cabdilaahi Cumar,ayaa waxa madaarka kaga hor-tagay Siyaasiyiin,Haween,dhalinyaro iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE,waxaana uu warbaahinta kula hadlay Qolka nasashadda ee VIP-ga,waxaana uu sheegay inuu aad ugu farax-sanyahay inuu dalkiisa hooyo kusoo guryo noqdo,isla-markaasna uu u mahad-naqayo qeybaha Bulshadda ee sida weyn usoo dhawaysay.

 

COMMENTS
LINKS