DAAWO:SIYAASI MAXAMED-MAARSHAAL OO KA HADLAY XAALADA DALKA, TA XISBIGA KULMIYE, TALLOOYIN WAX KU OOL AHNA USOO JEEDIYEY MADAXWEYNE SIILAANYO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO:SIYAASI MAXAMED-MAARSHAAL OO KA HADLAY XAALADA DALKA, TA XISBIGA KULMIYE, TALLOOYIN WAX KU OOL AHNA USOO JEEDIYEY MADAXWEYNE SIILAANYO
October 29, 2015 - Written by Editor:
Hargeysa(W.N): Siyaasi Maxamed Cabdikariin (Maxamed-maarshaal) ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xaalada xisbul-xaakimka KULMIYE. Siyaasi Maxamed-maarshaal oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa shacabka Somaliland guddo iyo dibedba, waxa uu ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland oo uu sheegay inay cida keli ah ee looga baahan yahay inay ilaaliyaan ay tahay shacabka, sidoo kalena waxa uu siyaasigani tallooyin usoo jeediyey madaxweynaha Somaliland, oo uu tilmaam iyo hogotusaalaynba ugu soo qaatay tallaabooyin horumar leh oo hoggaamiyeyaal maanta taliya ay ku tallaabsadeen. Waxa uu ku booriyey madaxweyne Siilaanyo tallaabada geesinimada leh ee uu ka qaatay buuxinta jagooyinkii ay banneeyeen wasiirradii iyo masuuliyiintii kale ee dhawaan iska casiley xukuumaddiisa. Siyaasigu waxa carrabka ku adkeeyay in dalka ay joogaan aqoonyahanno iyo dad waa sida uu sheegaye ka karti badan, wasiirrada xilkii ka dareeray.
WARKAASI OO FAAHFAAHSAN HALKAN HOOSE KA DAAWO
<iframe width=”854″ height=”480″ src=”https://www.youtube.com/embed/Kyz9uGJVA-4″ frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

COMMENTS
LINKS