Daawo: Zimbabwe Oo Joojisay Eedayntii Iyo Dacwadii Dhakhtarkii Maraykanka Ahaa Ee Libaaxa Ku Dilay Dalkeeda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Zimbabwe Oo Joojisay Eedayntii Iyo Dacwadii Dhakhtarkii Maraykanka Ahaa Ee Libaaxa Ku Dilay Dalkeeda
October 13, 2015 - Written by Wariye:

Harare, (WJN):- Garooska dalka Zimbabwe ayaa laalay, dacwadii ka dhanka ahayd Dr. Walter Palmer, oo ahaa dhakhtar u dhashay dalka Maraykanka oo bishii hore dalka Zimbabwe ku dilay libaax, muran iyo cadho badana dunida iyo dadka ku dhaqan dalkaasi ka qaadeen.

 

War garsoorka dalkaasi soo saaray, ayaa lagu sheegay in Dhakhtarkaasi uu ogolaansho sharci u haystay, isla markaana aanu ogayn in dilka Libaaxu danbi tahay, sidaa awgeed aanay Zimbabwe maxkamadayn doonin, in loo soo gacan geliyana aanay codsanayn.

 

 

Wariye Abdiqadir Habane

Wajaaalenews.net

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS