|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO: WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA WARAN CADE OO KA HADLAY KAADHADHKII LA GUBAY IYO XAALADA GOBOLKA AWDAL.
October 10, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay waxa uu raaligalin iyo mahadnaq u diray dawladda Ethiopia. Waxa kale oo uu mahad uga celiyay bulshada Awdal dhacdadii lagu weeraray guddoomiyaha Awdal Mr Ramaax. Wasiirku waxa uu sheegay in Labadii Askari ee ku dhintay weerarkii kooxda Wabar geeriyoodeen iyagoo naftooda u huraya bulshada Somaliland, waxaanu tacsi u diray ehelada Askartaasi “ Waxaan u mahadcelinayaa Bushada Awdal iyo madaxdhaqameedka , gaar ahaanna raggii reer Awdal ee qaybta libaax ka qaatay soo qabashada gacan ku dhiigleyaasha oo runtii si qiimo leh ula shaqeeyay ciidamada Ammaanka oo ku guulaystay inay badi raggii falka foosha xun gaystay,” ayuu yidhi Wasiirku.
Related posts:Wargeysyada Ingariiska Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Talaa... Warbaahinta & Khuburrada Masaarida Oo Ka Hadlay Shakiga Itoobiya Ee Saldhiga Millateri Ee Masar Wayd... Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Halka Lagu Aasayo Marxuum Prof Ismaaciil Hure Buubaa Iyo Goorta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|