DAAWO; Wasiiradii Iscasilay Oo Kulan Yeeshay iyo Farriinta Bulshada Ay U Direen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wasiiradii Iscasilay Oo Kulan Yeeshay iyo Farriinta Bulshada Ay U Direen.
October 27, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si kooban uga hadlay kulan xubnihii shalay iscasilay ay Hargeysa ku yeesheen, waxaanu sheegay inay ka arrintasayeen qorshahooda Kulmiye.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu saxaafadda u sheegay inay xisbiga Kulmiye yihiin, kuna kalsoon yihiin inay haystaan aqlabiyadda xisbiga, sidaasina ay jecel yihiin inay kaga tartamaan xisbiga dhexdiisa “ shalay ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirku wuxuu bulshada u diray farriin nuxurkeedu yahay inay ammaanka ilaaliyaan, isna dejiyaan “ Wax dhib ahi ma jirto, dadka waxaan ugu baaqayaa inay isdejiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin,” ayuu yidhi Xirsi.

 

COMMENTS
LINKS