DAAWO; Wasiir Xaglotoosiye Oo Shaaciyay Inuu U Sharaxan Yahay Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wasiir Xaglotoosiye Oo Shaaciyay Inuu U Sharaxan Yahay Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland.
October 22, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)- Wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne kuxigeenka xisbiga Kulmiye.

Munaasibadda ku dhawaaqistiisa musharaxnimo ayaa lagu qabtay Hotel Ambasador, waxaanu sheegay inuu yahay musharax u taagan Jagadaasi. Waxa uu codsaday in loogu hiiliyo jagadaasi, isagoo guushiisa ku sidkay midnimada Somaliland.

https://youtu.be/-d8lg3bEf7U

Wasiir Xaglotoosiye ayaa ku soo biiray hirdanka musharaxnimada xisbiga Kulmiye, waxaana hore loo ogaa in madaxweyne xigeenka Somaliland mar labaad u taagan yahay jagada madaxweyne xigeenka.

Mudane Xaglotoosiye ayaa calafkiisa ka qaadi doona shirka golaha dhexe ee Kulmiye oo loo qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha dambe, halkaasi oo lagu dooran doono musharaxa madaxweynenimo iyo kuxigeenka madaxweynaha.

 

COMMENTS
LINKS