|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Murashax Cabdicasiis Samaale Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Xisbiga kulmiye fariimo Culusna U kala Diray Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan saylici.
October 17, 2015 - Written by Editor:“Afarta Musharax Ee U Tartamaya Xisbiga Dhexdiisa Waa In Loo Sinaadda , Maaha In Gudoomiyaha oo Musharax Ahi U Yeedhayo Ama Ku Takri fallo Awoodii Xisbiga”,samaale Hargaysa (Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa eedo Culus u jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inay baal mareen shuruucda xisbiga KULMIYE. “Kulankayagu waxa weeyi saddexdayadii musahrax ayaa samaynay casuumad aanu iskugu yeedhany golihii dhexe iyo taageerayaashayaddii si aanu u tusno awoodda aanu ku dhex leenahay golaha dhexe. Waxaana wadanaa aqlabiyadii golaha taas ayay diidan yihiin kuwa naga soo horjeedda.” Ayuu yidhi Cabdicasiis Sammaale Waxaanu intaas ku daray“Afarta musharax ee u tartamaya xisbiga dhexdiisa waa in loo sinaadda xisbiga dhexdiisa, maaha in Gudoomiyaha oo musharax ahi uu yeedhayo ama ku takri fallo awoodii xisbiga, Madaxweyne ku xigeenka oo aanu utagnay jawaab aanu ku qanacno nama siin waxana u aragnay inuu la safan yahay gudoomiyaha”. Ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Sammaale.
Related posts:HALKAN KA DAALACO: Ujeeddada Hawl-gal Noociisu Ku Cusub Yahay Hargeysa Oo Xilli Habeennimo Ah Ay Xu... Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Sheekeeyay Taariikh Xusuus Ku Leh Noloshiisa Iyo Doorkii Muj Buste. Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland oo Kulan Hadhimo Sharafeed ah Ku Maamuusa Xildhibbaan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|