DAAWO; Madaxwayne Siilaanyo Oo dalka kusoo laabtay Kana Hadlay Xaalada Xisbiga Kulmiye Iyo Hankiisa Murashaxnimo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxwayne Siilaanyo Oo dalka kusoo laabtay Kana Hadlay Xaalada Xisbiga Kulmiye Iyo Hankiisa Murashaxnimo.
October 19, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday kadib safar shaqo oo ay  dalka dibadiisa ku maqnaayeen.

Madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport kusoo dhaweeyay badanka wasiirada Xukuumada iyo dhamaan masuuliyiinta haayadaha kala duwan ee Dawlada, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Salaadiin Iyo  Dadwayne Tiro Badan .

https://youtu.be/MYlSfMW2xRA

Madaxwaynaha oo qolka nasashada kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay ujeedada waftigiisa iyo xaalada Xisbiga Kulmiye ee uu loolanka adagi ka taaganyahay, Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu sheegay in musharaxiinta Xisbiga ay six or oo xalaala ugu tartami doonaan golaha dhexe ee Xisbiga isagoo ka gaabsaday in uu isagu musharax yahay.

Khudbada Madaxwayne Siilaanyo maanta ka jeediyay Garoonka Cigaal International Airport Waxay Ahayd Sidan:-

“Waxaan ku faraxsanahay dalkaygii oo aan dib ugu soo noqday si nabad galiyo ah waxaan kasoo laabtay safar shaqo oo aan ku tagey dalka Ireland taasoo aanu la kulanay haayadaha kala duwan iyo madaxwaynaha dalkaa oo aanu martiqaad rasmiya ka helnay” ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo

Madaxwaynaha oo ka hadlaya xaalada Xisbiga Kulmiye Waxaa uu Yidhi “Sidaynu ka war hayno waxaa fooda inagu soo haya xiligi doorashooyinka, imikana waxaa taagan shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, sida dalka lagu yaqaanay wadankani waa dal dimuqraadiya Xisbigana waxaa lagu tartami doonaa si dimuqraadiyada. Waxaan xisbiga iyo dawladaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada, Qarranimada, anshaxa iyo dhaqanka suuban ee tartanka dimuqraadiga ah iyadoo la dhawrayo nidaamka iyo xeerarka Xisbiga u yaala.Guud ahaan waxaan kula dardaarmayaa shacbiga in la ilaaliyo nabada, wadajirka iyo iskuduubnida qaranka”

Madaxwayne Siilaanyo ayaa su’aal warbaahintu ka waydiisay inuu u sharaxan yahay  Madaxtinimada Kuolmiye Waxaa uu ku jawaabay “Hala Gaadho Wakhtigeedii musharaxnimada”

 

 

COMMENTS
LINKS