CEBSIGA DAL-JIRAHU WAA QUDHSI (ASKARI) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
CEBSIGA DAL-JIRAHU WAA QUDHSI (ASKARI)
October 20, 2015 - Written by Editor:

NINA DHUUNI KU DHEX JOGA NINA DHAQASHU KU DHEX JOGA (sow kala man maha 2 da nin)

Dal hadi anu lahayn Gees iyo Halyeey ka jira cadowka hifka iyo dhibka la damacsan ee nitaqada la raba waa sida Geel an lahay cid jirta wana u badi dad iyo dugaagba inay ku takrifalan adhax waremana.

20151018_100239(1)

In dhawayd ba waxaa dhegaha umada ku dhaqan SOMALILAND so gadheyey QUDHSI iyo CEBSIGA Askariga cebtaso SIYASIYIN, MASULIYIN-QARAN iyo MADAX-DHAQAMED ka so yeedhaysay afkoda iyago so marinaya ilaha kala duwan ee warbahined.

ASKARI? Waa nafti hure dhibka, dhaxanta iyo cadceda ku badashay Hurdada, Raxada iyo Tamash laynta Bulshadisa oy ka mid yihin Siyaasiyinta iyo Madax Dhaqamedka ula badheedhay cebsiga shaqsiyadeed iyo karamo ridka ah on lo aabo yelin ee sida tiq tiqsiga ah iyo talan taliga ah logu cel celinayo hadh iyo haben.

Umada Reer SOMALILAND waxaay ku nalonayan ee ah Qaranimada umay helin sida ay u heshay JABUTI ama wadamada kale jarku ee waxaa af libax iyo mid ka daranba ka so saray markay Fol-Halowday ASKARI ka dhiidhiyey dulmiga iyo qudhsiga lagu hayo umadisa ee kaga imanay cid an u diir naxayn, isla ASKARIGI keenay Qarannimada mu ka hadh galine wuxuu isku weegaray Xuduudka Dalka dibadisa si anay mar danbe lo carsha carshayn Gobanimadena badhkoda ASKARTA waxay ku madlumen siday inaga dhexdena ino kala bad badin lahayen kuwana waxay hagan Baaburtena raxada iyago isla mar ahanta caruurahena ka talabiya Jidadka.

Dowladaha Addunka quwadaha sheegta waxaay isugu fanaan cuduud ASKARI waxayna had iyo gorale ku dedalan siday u hor marin lahayen ASKARTODA iyago madaxa saraya sharfayana.

ASKARIGA waxaa lagu yaqana oo u cado ah ama loga marag kaca 2 QODOB:-

 

  1. Amar Qadad Ogid

 

  1. Iyo Dacadnimo Shaqo

Hadaba Su’aashayda ah Muwadin maxaa u diiday ninka u dib jiray danta qaranku inu qabto hoganka dalka oo uu ina daadaheyo??

Wadanka wakhti xadirkan lagu tiriyo ama la amin sanyey inu yahay Quwada Addunka hada ka arimisa waa UNITED STATES ke inta badan ragi so xukumayey ee lo dortay madaxtinimada ee halka gadhsiyey Muwadin waxay so wada maren ASKARI, hadanan khaldanayn 28 madaxwayne ay ka so shaqeyey xeryaha Cidamada kala duwan ee USA ragi ugu danbyey ee so mara ASKARINIMO hogamiyeyna US waxaa ka mid aha:-

 

Magaca                             Qaybtisa Cidanimo

 

  1. George W Bush                          Texas Air National Guard

 

  1. George H W Bush                     US Naval

 

  1. Ronald Reagan                           US Army   and US Army Air Corps

 

  1. Jimmy Carter                               US Navy

 

  1. Gerald Ford                                 US Naval

Muwadin inago ka shidal qadanayna isbar bar dhiga Madaxwaynihi Hore MUDANE DAAHIR RAYALE KAAHIN iyo madaxwayna hada joga MUDANE AXMED MAXAMED MAXAMUD

 

  • ka wadanka sumcadisa gudo iyo dibad dhisay waa kuma?

 

  • Ka hir galiyey 5 dorasho xalaal aha waa kuma?

 

  • Ka Xidhiidhka wadama aynu la jarka nahay heerki ugu saraysay geyey waa kuma?

 

  • Ka dhisay Ciidan Xog leh waa kuma?

Ogsonow muwadin RIYAALE wuxuu aha Askari halka SILANYO ka aha Karani, waxaa kaliya oo laysku dhafay waa Amar qadashada oo wixii shacabku fare ee ay raban an lagu darin fikir kox iyo shaqsi iyo daacad nimada uu Askarigu u dacada yahay wixii lo igmaday

MUUSE BIIXI CABDI 30 Sane ugu danbaysay oo aha wakhtigi u dheefsan laha awodisa jidhed iyo maskaxed wuxuu galiyey qarankan sidan:-

 

  • Halganki Hubaysna ee Qaranka lagu so dhiciyey

 

  • Ka shaqaynti Goni Isu taga Somaliland

 

  • Ka Shaqaynti Dhismaha Xukumadeed

 

  • Dhisidi Golaha Gurtida

 

  • Hir Galinti Nidamka Asxabta badan

MUWADIN ASKARIGU MIYANU MANTA GAYIN INU QABTO HOGANKA OO U BADI DOONO INTA QARANKAN KA DHIMAN EE AH ICTIRAF DOWLADEED??

MUWADIN ISWAYDI HALKU KU MAQNA NINKA HADA SO HANBAABURAY MARKU DALKU U BAHNA XOGISA IYO CAQLIGISA MIYU INAGU SO XABAL DONTAY??

MUWADIN ASKARIGU MIYANU GAYIN TALADA WADANKA??

 

  • Ha Lagu Ilmeye
  • Horta Dhimo Afmahe
  •        Eegga na Nooliyoy
  • Ifkan kaga Bahne
  • Wax yar oo Aqonsiya
  • Oon Aad U Burnayn
  • Oo Waliba Eegay
  • Igu Si Amaaho
  • Ictirafkan Buxee
  • Akhiro Markan Tago
  • Iilka Igu Sugayiyo
  • Ayaantan Xabal Galo
  • Oohintan Mutaysiyo
  • Akownkayga Laga Jaro

Qore:- Eng Muhyadiin Yousuf Ibrahim

Hargeisa/4453131/muxyo04@gmail.com

COMMENTS
LINKS