Carwadii Ganacsiga ee 7aad oo Hargeysa laga Furay.iyo waxyaabaha ku cusbaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Carwadii Ganacsiga ee 7aad oo Hargeysa laga Furay.iyo waxyaabaha ku cusbaa.
October 31, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Carwadii 7aad ee ganacsiga somaliland Oo adeegyo kala gadisan lagu soo bandhigay ayaa Wasiirka Ganacsiga somaliland Xadhiga Ka jaray,kaas oo ay ka Soo qayb Galeen Shirkadaha waawayn,Lana Keenay Madasha Ganacsiyo kala Gadisan.

Munaasibad Balaadhan oo Loo qabtay Carwadan ayaa waxa ka soo qayb galay,Duqa Caasimada,Wasiirka Ganacsiga,Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga,Ganacsto ka Socotay Puntland,yaman iyo Turkiga.

IMG_0539(1).JPG

Carwad Gancsiga somaliland ayaa waxa soo qaban-qaabisay Rugta Ganacsiga somaliland iyo Shirkada AOA taas oo ganacsatada dhiiri galin u ah in Marba Ganacsigooda Sidii kor loogu qaadi lahaa loogu soo bandhigo.

Ganacsiga Saaka Madasha lagu soo bandhigay ayaa Ganacsatadu shegee in ay Qiima Dhimis ku sameyeen,si ay bulshada ugu adeegaan iyaga oo ka iibinaya Adeeg Tayadiisu Sarayo Qiimahiisuna Jaban yahay.

Ugu Horayn Munaasibadan loo qabtay ayaa waxa hadal Kooban oo iskugu jira Soo dhawayn iyo baraarujin ka jeediyay Madasha waxaana uu yidhi.

“waxa noosharaf ah sida wanaagsan ee aad uga soo jawaabteen Fariinta aanu idiin soo dirayna,madashana ugu soo bandhigeen ganacsigiina Kala gadisan,Carwadani Waxa ay carwooyinka kale kaga duwan tahay,Wafti ka Socda Rugta Ganacsiga Puntland,Carwadani waa dalad kulmisay,dhamaan rugaha Ganacsiga ee Africa,iyada oo aynaan ilaabi karin Ganacsatada reer yaman oo Marna aynu u qabano Ganacsi iyaga u Gaar ah.

Intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga somaliland.”Shirkadaha waawayn ee somaliland ayaa sanadkan iyaguna Door Laxaadle ka qaatay,kuna soo bandhigay adeegyada kala gadisan ee ay Bixiyaan,kuwaas oo iyagan ku amaanay siday uga Muuqdeen Carwadan.

Masuuliyiin Ku hadlayay Afka Shirkadaha GSK Group,Shirkada Telesom,Shirkada Dahabshiil iyo Somtel,Shirkada,Shirkada Somcable,Hitech,Asal,Takaful,Toyota ayaa dhamaantood Macaamiishooda ugu bushaareeyay adeegyada ay u hayaan kaas oo ku sifeeyeen mid casri ah oo la jaan qaadaya Dunida Hore u socotay.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland,masuuliyiin ka Socda Dalka Turkiga iyo yaman ayaa iyaguna Madasha ka hadlay waxa ay bogaadiyeen sida qiimaha badan ee carwadan heerka saraysa loo soo bandhigay,iyaga oo u mahad naqay Sida uu guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Shirkada AOA uga qayb qaateen sidii ay u hir galin lahayd carwadan qiimaha badan ee adeegyada kala gadisan lagu soo bandhigay.

Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa bogaadiyay Ganacsatada Sida heerka Saraysay Madashan uga Soo qayb Galay,waxaana uu ka hadlay sida ganacsatada kor loogu qaadi lahaa waxaana uu yidhi.

“waxa muuhiim ah in ay somaliland ku soo kordheen saddexdii baanba oo iyaguna dalka gaadhsiin doona meel wanaagsan,waxaana ay maal-gashan doonaan dadka iyaga oo deegyo kala gadisana u furi doonaa,maanta carwadani waa mid qiimaheedu sareeyo oo loogu talo galay ganacsiga,Somaliland sanadba sanadka ka danbeeya waxa ay hiigsanaysaa meelaha dunida waxaanan u arkaa in aynu guul gaadhnay.

Gaba-Gabadii waxa Halkaasi ka hadlay Xadhigana ka jaray Carwada Ganacsiga somaliland Wasiirka Ganacsiga isaga oo khudbad wax ku ool ahna ka jeediyay madasha oo u badan sidii kor loogu qaadi lahaa Ganacsiga iyo Adeegsigiisa.

“in Markasta carwooyinka la qabtaa waxa ay u wanaagsan tahay ganacsiga,qofkasta waxa uu ku soo bandhigayaa ganacsigiisa isaga oo xor ah,waxaana uu bulshada ugu samaynayaa madashan qiimo jaban oo ka hooseeeya kuwii suuqa,taasina waata carwadan loofuray,isaga oo ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay Markasta Ka dadalaan sidii ay u heli lahaayeen Ganacsigana ugu dari lahaayeen,ganacsiga dalka ka soo baxa.

Gaba-Gabadii waxa uu Wasiirka,Maayarka iyo Masuuliyiintii Madasha ka soo Qayb Galeen kormeer ku soo mareen Adeegyada kala Gadisan ee Shirkadaha Ganacsigu Carwadan ku soo bandhigeen iyaga oo Ku dhiiri Galiyay Ganacsato Kasta in ay Dadaalka Siiwadaan Si ay dalkana wax ugu soo kordhiyaan.

 

COMMENTS
LINKS