|
|||||
WAJAALE NEWS
Cabdiraxmaan Saylici oo Dhibtii Iyo kala Qaybinta Uu Shan Sano ku Hayay Gobolka Awdal Ay Bulshada Reer Somaliland Maalmo Ku Dareentay+Loolanka Loogu jiro Kursiga M/kuxigenka Oo Sii Kordhaysa
October 19, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxwaynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa talada Dalka Jamhuuriyada somaliland loo dhaariyay 27/07/2010 si sharciya u hogaamiyaan dal waxaanay xilka kala wareegeen Madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo xilka hayay mudo todoba sano ah. Xukuumada Siilaanyo ayaa mudo xileedkeedii marayaa shan sano iyo sedex bilood waxayna xiligan ku jiraan mudo kordhintii Golaha Guurtidu u samaysay iyagoo dhamaystay mudo xileedkoodii xalaasha ahaa. Mudada shanta sano iyo dheeraadka ah ayaa waxaa talada gobolka Awdal loo daba fadhiisanayay Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil SAYLICI. oo ah masuul kasoo jeeda Awdal buuxiyayna xilkan oo reer Awdal mudo soo fadhiyeen halka ay mudo 7sano ah ay ka hayeen kursiga dalka ugu sareeya oo uu ku fadhiyay Daahir Riyaale Kaahin oo lagu xasuusto in uu bulshada reer Somaliland kaga tagay bulsho midaysan kuna dooda xisbinimo balse aan isku bahaysan qabiilnimo. Hadaba hadii aynu u daadegno ujeedada qoraalkeenan oo aynu isleenahay shacabka reer somaliland ugu iftiimino dhibta, kala qaybinta ,nin jeclaysiga uu Madaxwayne kuxigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici ka fuliyay gobolka awdal walina ka socota. taasi oo sobab u noqotay in bulshada reer awdal ka fogaadaan Jamhuuriyada Somaliland oo ay Seeskeeda lahaayeen tacab badanina ka galay. Maamul Xumada kala dhawaysiga beelaha reer Awdal ee Cabdiraxmaan Saylici ayaa sobab u noqotay in SULDAAN ABIIBAKAR CILMI WABAR oo ka falaagoobay somaliland una badheedhay in uu Shacabiga reer Awdal uu ka horkeeno Qarankii ay Bud dhigiisa lahaayeen sidoo kale hab dhaqanka Saylici ayaa dib ugu celiyay in Shacabka Reer Awdal da’ayartoodii ku dhawaaqaan Heesta Astaanta u ah Dawlada Taagta daran ee muqdisho “Ereyada Somaaliyeey Toosoo Isku Tiirsada Eey” dhanka kale Cabdiraxmaan Saylici ayaa dhowr jeer xukuumada uu ka tirsan yahay kaga cadhooday in ay u gacan dhaafayso Gobolkiisii taasi oo keentay markii danbe in faraha looga qaado balse badka soo dhigtay in Saylici aanu bulshada Reer Awdal hananka karin Waxaase Xusid mudan in Shan Sano iyo dheeraad bulshada Reer Awdal daris la noqdeen dhacdooyinkaa aynu kor ku soo sheegnay waxayse mar kaliya soo jeedisay indhaha bulshada reer somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysa si fiican u arkaan maamulka Saylici xili uu dalka oo dhan ku sime ka ahaa Awooduna ay gacantiisa ku jirtay dhacdooyin murugsana ay ka dhacay gobolada Awdal iyo Saaxil oo aanu gabi ahaanba ka hadal haday tahay tacsi xataa uu u diro qoysaskii caruurtoodu ku dhimatay shaqaaqadii ciyaaraha ee Magaalada Borama iyo muranka wareejinta haamaha shidaalka oo gaadhay in ay dhalinyaro hubaysani galaan buuraha gobolka saaxil. Madaxwayne kuxigeenka ahna ku simaha Madaxaynaha Cabdiraxmaan Saylici afka ayuu ka xidhay wuxuna ku mashquulay muranka xisbiga kulmiye iyo sidii uu kursigan u sii adkaysan lahaa isagoo og inuu bulshadii soo dooratay iyo Gobolkii Awdalba faro madhan ka taagan Yahay Waxaa Xusuus mudan dhacdadii uu HOTEL MAANSOOR ku amray in ayna munaasibad ku qabsan Wasiiradii uu xukumayay isagoo adeegsaday Ciidamada RRUda. isagoo raacay garabkamida garabada ku hirdamaya xisbiga kulmiye oo isl Arinta ayaa bulsho waynta reer Somaliland dareensiisay talada Saylici garowsadayna cabashadii reer Awdal ay u wayday jawaab Qaranimo. Dhan kale Cabdiraxaam Saylici ayaa faro madhan ka jooga dhamaan xubnaha Wasiirada kaga jira Gobolka Awdal marka laga Reebo Cali Xaamud Jibriil oo ay isku jufo hoose yihiin. waxaana gabi ahaanba ka dhaqaaqay Xildhibanaada Baarlamaanka, Guurtida Ee Reer Awdal Sidoo kale waxaa iyaguna ka quustay Xubnaha ugu jira gobolka awdal Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Isku soo wada duuboo waxaa dhamaatay mudadii la doortay iyadoo bulshada Reer Awdal iya Shacabka Somaliland ay taabatay maamul xumada Saylici oo walina raba in shan sano oo kale la doorto isagoo sii jeclaysnaya qiimaha xilka maankiisana ku haysta halka ay isaga iyo Awdal kala joogaan waxaase laga war Sugi doonaan damaca Wasiirada Gobolka Awdal ee u Hanqaltaagaya Buuxinta jagada Madaxwayne kuxigeenka dalka oo xiligan ay isku bahaysteen Wasiirada ugu Culus gobolka awdal Guurtida iyo guud ahaan Bulshada reer Awdal Sidii ay u dooran lahaayeen masuul isku wadi kara Shacabka Reer Awdal ku kala fogaaday taladii Cabdiraxmaan Saylici.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WARIYE YUUSUF HIRSI EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|