|
|||||
WAJAALE NEWS
Boorama:- Shaqaaqadii Lagu Weeraray Gudoomiye Ramaax Oo Laba Askari Ku Dhinteen, Maayarkii Hore Iyo Xubno La Xidhnaa Oo Loo Soo Gudbiyey Hargeysa
October 7, 2015 - Written by Editor:Boorame(W.N)-Koox dabley ah oo hubeysan ayaa saqbadhkii xaley weerar la beegsadey Guriga uu ka degan yahay Magaalada Boorame Gudoomiye Saleebaan Cali Hayste(Ramaax), halkaas oo dableydaasi ku dileen labadii Askari ee Ilaalada u ahaa, kadib markii bambo gacmeed iyo rasaas dableydaasi la beegsadeen. Ilaa iyo hada wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal,khasaaraha ka dhashey weerarkaasi ayaa waxa kale oo dhaawacyo soo gaadheen laba Ciidanka Qaranka iyo Booliska ka kala tirsan majiraan dhaawacyo kale oo weerarkaasi ka dhacay goobtaasi, la taxaabay Gancasato, iyo Maayarkii hore ee Boorame iyo madaxdhaqameed dhamaantoodba kasoo jeeda Degmada Boorame. 1-Dumaal qaadlaha Boorame iyo Xeebta Sikastaba ha ahaatee shaqaaqada weerarka lagu qaadey Gudoomiyaha Gobolka Awdal Saleebaan Cali Hayste(Ramaax),ayaa la sheegay in kooxda dableyda ah ee weerarka ku qaadey ay dhamaantood fakadeen kuwaas oo la sheegay in laga abaabuley Gudaha Magaalada Boorame laakiin aaney aheyn, kuwa meel kayimid waxaanay dadweynaha Reer Boorame intooda badani ku xidhiidhinayaan dhacdadan cadhada ka kacdey Xilkaqaadistii Maayar Saleebaan oo riiqdeedu ku hadhsan tahay Maayarkii hore Saleebaan Xasan Xadi iyo Ganacsato taageersan oo ay raas yihiin balse aanay aheyn wax meel kale ka yimid. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|