|
|||||
WAJAALE NEWS
.Berbera;Booyad Shiidaal oo lagu Waxyeleeyey Jidka U dhexeeya Berbera Iyo Hargaysa + Sedex Qof Oo Kamida Shantii Qof Ee La Xukumay Oo Jeelka Dhexdiisa Jidh Dil Loogu Gaystay.
October 21, 2015 - Written by Editor:Berbera(Wajaalenews)-Booyad kamida booyadaha shiidaalka ka Qaada Haamaha shiidaalka Berbera ayaa Dabley hubeysani goor dhaweyd ku weeraray agagaarka tuukada Darigodle oo masaafo 30km ujirta magaalada Berbera, booyadan oo siday shiidaal dhan 75 foosto oo isugu jira Naafto iyo batrool ayay dableydan weerartay oo aan la aqoonsani rasaas badan ku fureen iyaga oo ka toogtay dhamaan taayirada booyada iyo mishiinka oo khasaare laxaadlihi ka gaadhay rasaastii lala dhacay awgeed. Dableyda booyada weerartay oo wadaha baaburkan booyada ahi sheegay in wadeen baabuur yar oo indhacade ah ayaan ilaa hada la aqoonsanin meel ay iyo cidhib dhigeena aan la garanayn, Waxa goobtii booyada waxyeelada loogu geystay gaadhay Ciidamada Booliska Berbera oo ilaa hada goobaasi ku sugan waxaanu taliyaha qeba Booliska Berbera Gaashaanle Mahad Shaqale sheegay in ragii falkaa geystay lagu daba Jiro. Dhanka kale shan xubnood oo laga soo qabtay jidka ayaa waxaa gudida nabadgalyadu ku ku xuntay xadhig shari daro ah sidoo kale wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ayaa sheegaya in sedex nin oo kamida xubnihii la xidhay ayaa jeelka dhexdiisa jid dil loogu gaystay waxaanay kala yihiin Cabdirasaaq Dubad Muj Cismaan Qaraye Dr Aadan Caraale Sedexdan ayaa waxaa loogaystay dhaawacyo kala duwan dhanka Kale deegaamada Kala ah Geeloo kor. Laalays. Xabaalo Tumaal iyo Dero Godle ayaa waxaa la sheegayaa in Ciidamada RRUda ay dhibaatooyin badan u gaysteed bulshada degan oo xukuumada ciidamo xaddhaafa gaysay. WAJAALENEWS DESK BERBERA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Gaadhigii Cali Khaliif Galayd... Waalidiin dhalay 21 caruur ah oo Maxkamadi xukuntay kadib markii kufsi lagu helay oo Madaxweynaha ca... “Hadii Inaga Dhexdeena Muran Iyo Isqab Qabsi Badani Yimaado, Waxay Niyad Jabinaysaa Saaxiibada Somal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|