Berbera: Magacyada Afar Arday Oo Bada Berbera Soo Tuftay Maydkooda Iyo Mid Kale Oo La Baadi Doonayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Berbera: Magacyada Afar Arday Oo Bada Berbera Soo Tuftay Maydkooda Iyo Mid Kale Oo La Baadi Doonayo.
October 8, 2015 - Written by Editor:

Berbera: Magacyada Afar Arday Oo Bada Berbera Soo Tuftay Maydkooda Iyo Mid Kale Oo La Baadi Baadi Doonayo

Berbera(Wajaalenews):-Waxa goor dhawayd la xaqiijiyey inay bada magaalada Berbera liqday afar wiil oo u dabaalasho tagay badaasi.

Wiilashaasi ayaa la sheegay inay ka tageen magaalada Hargeysa  iyaga oo qayb ka ahaa arday ka tirsan dugsiga Hargeysa International  School oo safar dalxiis ah ku tagay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, waxaanay wararku sheegayaan inay badu soo tuftay maydadka afar wiil, halka mid kalana ilaa hada la la yahay..

wararka ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada Berbera  uu xaqiijiyey in cusbitaalkaas la keenay maydadka afarta wiil kuwaas oo haatan yaala qolka maydka ee cusbitaalkaas.

Magacyada afarta wiil ee la sheegay in hada maydkooda la helay ayaa kala ah

 

  1. Siciid Cismaan Maxamed

 

  1. Xasan Cismaan Axmed

 

  1. Cismaan Maxamuud
  2. Axmed Haybe
COMMENTS
LINKS