Yuusuf Garaad Muxuu Ka Yidhi Dhacdadii Shir Gudoonka Jsl “Xeer iyo Xeer – Jajab” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yuusuf Garaad Muxuu Ka Yidhi Dhacdadii Shir Gudoonka Jsl “Xeer iyo Xeer – Jajab”
September 12, 2015 - Written by Editor:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxman Cirro (dhex) iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax (bidix) oo ah laba mas’uul oo aan ixtiraamo waxay maanta ku kaceen gef iyo foolxumo.

Inkasta oo ay raalli gelin bixiyeen haddana Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisu in ay isku feeraan Golaha Wakiillada Soomaaliland oo fadhiya waxay ahayd sharaf-dhac.

Inkasta oo maalmahan aan murankooda si xiiso leh ugala socday saxaafadda, haddana doorkeyga ma ahan in aan isku dayo in aan labada mas’uul midkood aan si gooniya farta ugu fiiqo. Mana doonayo in aan mid la safto.

Waxaan arrintaan maanta Hargeysa ka dhacday aan u soo qaatay ma ahan in aan uga sii daro ceebta labada mas’uul. Waxaa iiga muhiimsan casharka laga baran karo.

 

Kala dambeyn, shuruuc iyo xeerar kala haga dadka marka la hareer maro waxa keliya oo dhici karaa waa fowdadii maanta ka dhacday Golaha Wakiillada Somaliland.

Khalad wuu dhacaa, laakiin waxaa la isku dhaafaa sida loo saxo ama looga gaabiyo in la saxo.

COMMENTS
LINKS